Shacabka Muqdisho oo ku baaqay in la kala dira xildhibaanada
Posted: Sun May 18, 2014 10:46 am
Shacabka Magaalada Muqdisho oo ku baaqay in la kala dira xildhibaanada Barlamaanka Soomaliya
Shacabka Magaalada Muqdisho qaar badan oo kamid ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii ay Baarlamaanka Soomaaliya shaqada uga joojiyeen Shirkada Dalka Turkiga laga leeyahay ee Favori taa oo maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Aqoonyahanada , Waxgaradka ,Siyaasiyiinta iyo Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aanka ay Baarlamaanka ka qaateen Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee Favori, waxa ayna Buslshada Muqdisho ku tilmaameen in go’aankaasi uu ahaa mid aan lagu daneeneyn Reer Muqdisho.
Prof Yaxye Cali Hareeri ayaa sheegay in Go’aanka Baarlamaanka ka gaareen Shirkada Favori in uu ahaa mid lagu dag dagay, waxa uuna tilmaamay hadii ay jirto isla xisaabtan waxa diiday in Baarlamaaka la xisaabtamaan Maamulada Dalka ka jira ee heshiisyada Dowladu aysan ogeen la gala Shirkado iyo Dowlado shisheeye .
Qaar kamid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in lakala diro Baarlamaanka Soomaaliya ee hada jira kaa ay ku tilmaameen in uu yahay Baarlamaanka ka shaqeeya kaliya Xamar ,waxa ayna taa badalkeeda ku baaqeen in la dhiso Baarlamaan qaran oo guud ahaan Soomaaliya matala.
Baarlamaanka Soomaaliya ee ka howlala Magaalada Muqdisho ayaa loo arkaa mid kaliya ku mashquulsan Casimada , waxa ayna Xildhibaanada Baarlamaanka iska indha tiraan la xisaabtanka iyo ka doodista waxyaabaa ka socda Maamulada ka jira Gobolada Dalka Sida Somaliland , Puntiland iyo Jubba.
Dowlada Soomaaliya ayaa marka dhinac walbo laga eego waxa ay ku tiirsan tahay oo dhaqaalaha iyo wax walbo ka heshaa Magalaada Muqdisho , hadana waxaa Dowlada gaar ahaan Xubnaha Baarlamaanka la tilmaamaa in ay ka buuxaan xubno badan oo kasoo horjeeda Hormarka iyo in ay wax noqoto Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.