
Mashruucii Ugu Weynaa Abid Ee Hayadi Ka Hirgeliso Bariga Magaalada Hargeysa
Writen by Qaran News | Published: May 25th, 2014 at 03:29 AM




Hargeisa-(Qaran-news)-Warfidiyeenka Qarannews ayaa dhawaan booqday Dhismo gebagebo ku dhow oo isagu
jiro Hoy iyo Goobo waxbarasho oo ka kooban sagaal sarood ama saf oo min sadex Dabaq ah oo ay hirgelisay Dawlada
Kuwait,dhismihiisana Hayad Carbeed gacanta ku hayso.
Yeelkeedade wuxuu Warfidyeenku halkaas kula kulmay,kana waraystay dhismahan, cida hirgelisay iyo qeybuhu ka kooban
yahayba Cali Fayr Xuseen oo ka mid ah Madax-dhaqmeedka Bariga Hargeysa oo markaas warfidyeenku booqday Goobta ka
mid ah Masuuliyiin doora oo ku sugnaa Kaanboolka dhismaha siiba qeyb danbe oo Ceel-Riig biyo soo tuuraya ama tijaabo
dhamaystay laga hirgeliyey.
Oday Cali fayr Xuseen oo warfidiyeenku weydiiyey Su’aalo dhawra oo ku saabsan dhismaha iyo hawlaha lagu fulin doono ama
loogu talo galay wuxuu sheegay in dhismahani ka kooban yahay sagaal sarood oo min sadex dabaq ah, isaguna jiro Hoy iyo
Goobo waxbarasho sida dugsi farsamada gacanta lagu baran doono iyo qaybo kale oo la shaacin doono marka la furo,wuxuuna
intaas raaciyey inuu yahay Isguul anfacaya,waxtar weyn ugu fadhiya dalka,Hargeysa iyo xaafadan uu ku yaalaba .
Taa ka sakow wuxuu Cali Fayr Warfidyeenka farta ugu fiiqay Ceel-Riig ama Ceel biyood isla goobta laga hirgeliyey oo markaasuun
faraha laga qaadey hawshiisa, tijaabana ku jiray, wuxuuna warbixin kooban ka bixiyey Hawsha Ceelka isagoo si kooban u sheegay
in dalkeena meel walba biyo laga heli karo ama leedahay balse ku xidhan tahay inta baac (Dhererka) ee ay hoos u jiraan iyo in la
helo Riigii ku haboonaa ee qodaayey oo keliya ,wuxuuna intaas ku daray in ceelka hoos loo qoday ilaa 270 Meter, Riig meesha
taagnaanaa sheegay inuu qodi karo ilaa 500 Meter.
http://qarannews.com/?p=45597