Wafdi balaaran oo ka socda Hay’ada Qarmada Midoobay u qabilsan Hawada ee loo yaqaan ICOA ayaa kulan wada tashi ah oo ku saabsan sida Soomaalida loogu soo wareejin karo maamulka Hawada Soomaaliya la qaatay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’.
Kulanka oo Saxaaafadu ay dibad joog ka ahayd ayaa socday muddo dhan 1-saac,waxaana uu ka dhacay Hoolka Shirarka Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso.
Javier Lopez oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’ada ICOA ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda ay tahay sidii loo heli lahaa qorshe horseed u noqda,in umada Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo gacantooda maamulka Hawada Soomaaliya
Hadalkan ayuu Lopez sheegay xilli ay Saxaafada si wada jir ah ula hadleen isaga iyo Wasiirka Duulista hawada iyo Garoomada ,ka dib markii uu kulanku soo afmeermay.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xassan Xaaji Siciid ayaa sheegay in Wafdiga Qaramada Midoobay oo ka yimi xarumahooda Kenya iyo Canada ay wadaan xog ururin Saldhig u ah,sidii Hawada Soomaaliya loogu wareejin lahaa gacanta Soomaalida






Read more:http://puntlandi.com/sawirodhagaysi-qar ... oomaalida/