Page 1 of 1

The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sultan

Posted: Wed Jun 04, 2014 5:29 pm
by Khalid Ali
Kulan Xasaasi Ah Oo Dhex-Maray Salaadiinta Beelaha Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiyaha KULMIYE
Image
Hargeysa(Ramaas)Jun.4.2014-Madax-dhaqameedka beelaha ay ka soo kala jeedaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo waqtigan uu u dhexeeyo khilaaf laba garab u kala qaybiyey xisbigooda, ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay shalay magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ahaa mid gogoshadiisa ay lahaayeen madax-dhaqameedka beesha Guddoomiye Muuse (Habar Awal) oo isugu jiray qado iyo fadhi qayilaad ah oo ka dhacay guriga salaadiinta Subeer Awal, ayaa la sheegay inay labada dhinac kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex aloosan xisbal-xaakimka KULMIYE iyo is-xulufaysiga dhinaca siyaasadda ah ee u dhexeeyey labada beelood.
Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aan loo ogolaan warbaahinta, ayaa sida ilo-wareedyo xogogaal u ahaa u sheegeen Jamhuuriya xalay, waxa dhinaca gogosha bixiyey uga qaybgalay sagaal suldaan oo uu hormood u ahaa Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, halka madaxdhaqameedka la casuumay ee beesha Madaxweynaha ay joogeen siddeed oday oo isugu jira salaadiin iyo cuqaal uu hoggaaminayey Suldaanka guud ee beesha bariga Burco (Habarjeclo) Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali.
Warku waxa uu sheegay in labada dhinac si weyn uga wadahadleen khilaafka xisbiga KULMIYE u kala qaybiyey labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse iyo siyaabaha loo xallin karo, iyadoo la sheegay in madaxdhaqameeda Guddoomiyaha KULMIYE badka soo dhigeen heshiis la sheegay inuu hore u dhexmaray madaxdhaqameedka labada beelood waqtigii xisbigu ahaa mucaaradka, kaasi oo nuxurkiisu la xidhiidhay in si isku xigta shan sannoba beel loo dhiso madaxtinimada waddanka.
Dhinaca kale, madaxdhaqameedka beesha Madaxweynaha ayaa sida xogtu tibaaxday iyaguna sheegay in aanay waxba iska beddelin heshiiskaas iyo isbahaysigii siyaasadeed ee ka dhexeeyey labada beelood, isla markaana ay diyaar u yihiin fulinteeda.
Waxa kale oo ilaha warka Jamhuuriya ka soo xigtay sheegeen in madaxdhaqameedka beesha Madaxweynuhu u soo jeedisay salaadiinta beesha Guddoomiyaha KULMIYE inay masuuliyad iska saaraan dejinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka xisbiga gudihiisa ka taagan.
Gabogabadii shirka waxa labada dhinac isla qaateen inay kulan labaad yeeshaan horraanta toddobaadka soo socda, kaas oo gogoshiisa ay dhigi doonaan salaadiinta beesha bariga Burco.
Dhinaca kale, ergada guurtida ah ee hormuudka u yahay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa kulan dhegaysi ah la yeeshay garabka Madaxweyne Siilaanyo ee xisbiga KULMIYE, iyadoo kulankaasna ay ergada Guurtida ah ku horfadhiisteen madaxweynaha iyo xubno ka mid masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee la safan, taageersana murrashaxnimadiisa marka labaad.
Lama oga waxyaabaha kulankaas lagaga hadlay iyo garnaqsiga garabka madaxweynuhu u gudbiyeen guurtida, iyadoo ergadaasi kulan noocan oo kale ah la yeesheen garabka Muuse Biixi ee xisbiga KULMIYE maalintii Isniinta, kuwaasoo la filayo inay go’aan ka soo saaraan khilaafka KULMIYE, maadaama ay labada garab dhegaysteen.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ne ... BYWFh.dpuf

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Wed Jun 04, 2014 5:41 pm
by grandpakhalif
many of those hoping for Somaliland internal implosion are sad by these meetings, one thing I admire about SL is that their elders are respected. its the old somali way to resolve disputes under the tree.

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Wed Jun 04, 2014 5:42 pm
by Khalid Ali
Image

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Wed Jun 04, 2014 5:45 pm
by HooBariiska
Khalid, why do the suldaans and elders need to get involved? I thought this is kulmiye problem, does kulmiye not have panel or process for resolving internal disputes. If not, then the court system should handle it.

Elders and suldaans should be the last ppl involved in these sort of issues.

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Wed Jun 04, 2014 6:05 pm
by Khalid Ali
You are right but now and days every one wants to be involved elders politicians golaha madasha wada tahsiga. diaspora pseudo intellectuals. I never thought Kulmiye would have such a deep rooted dispute , but than again its Somaliland Udub had it and it destroyed them ucid had it and wadani splitted of from ucid .. Kulmiye is now 2 factions one faction will join either ucid or wadani..

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Thu Jun 05, 2014 7:19 pm
by LeJusticier
These Odayaal and alshabab operate like trojan horse. They never fail to meddle any opportunities that arises.

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Thu Jun 05, 2014 7:34 pm
by KingWaslawi
Waa heshiis xaaraan ah, odayadaas oo miidhan ayaa dib inoo celinaaya. :down: :x

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Fri Jun 06, 2014 7:54 am
by Hodan94
how do u become a sultan?

and do they post it on the SL job seekers?

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Fri Jun 06, 2014 8:09 am
by theyuusuf143
i thought HJ supreme leader is silaanyo, this is my first time i see the image of real hj sultan (guud). he must be the least popular sultan in somaliland! . i knew buurmadaw is not king for all hj.

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Fri Jun 06, 2014 10:18 am
by KingWaslawi
^^
Niyow qofkan dhaandhaanka ah, yaa naga aamusiiya. Nacaskan xoolaha ahi waa sheekato. gtfo :arrow:

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Fri Jun 06, 2014 10:43 am
by Khalid Ali
Its going to be interesting how this Kulmiye dispute ends

Xildiid the Hj have a supreme Sultan its the reer Yoonis Muse abokor Sultan He is the Sultan of the HJ

Re: The Supreme Habar awal Sultan Meets the Habarjeclo Sulta

Posted: Fri Jun 06, 2014 11:14 am
by theyuusuf143
KingWaslawi wrote:^^
Niyow qofkan dhaandhaanka ah, yaa naga aamusiiya. Nacaskan xoolaha ahi waa sheekato. gtfo :arrow:
kee weeye kaasi?