Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad gaar ah oo lagu sharfayay Ehelada uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Daahir Gurxan Maxamuud oo ahaa Sarkaal Ciidanka Boolisak Soomaaliyeed ka tirsan, kaas oo Naftiisa u huray ka hortagga Rag Shabaab ka tirsan oo doonayay inay isku dhex qarxiyaan Xarunta Baarlamanka Soomaaliya.
Munaasabaddan waxaa soo agaasintay Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar Cali Cumar, oo Casuuntay Haween iyo Rag ka mid ah Caruurta iyo Ehelada kale ee Marxuum Dahir.
Waxaa intii ay Munaasabaddu socotay Goobta lagasoo jeediyay Hadalo kala duwan oo ay Marwada Madaxweynaha iyo qaar Ehelada Dahir Gurxan ka mid ahi ku falanqeeyeen Shaqsiyadda Marxuumkaas Geeriyooday, iyo sida uu u noqday Qof Taariikhda Dalka galay oo Geesinimo iyo Naf-hurnimo la xusuusan doono ugu babac-dhigay Difaaca Dalkiisa.
Qoyska Marxuum Gurxan ayaa ka warramay Xaaladooda Nololeed, waxaana ay Marwada Madaxweynaha uga Mahad naqeen sida qiimaha leh ee ay u go’aansatay Marti qaadka Qoyskan iyadoo kor u qaadeysa Maamuska iyo Sharafta uu Marxuum Gurxan ku dhex yeeshay Bulshada.
Dhankeeda, Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa Hadal ay ka jeedisay Munaasabadda waxay kaga faallootay sida ay Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed-ba Qiimaha iyo Abaalka ugu haayaan Marxuum Daahir iyo Ehelkiisa, waxayna xustay Sooyaalkii Halganka Difaaca Dalka iyo Dad Naftooda usoo huray badbaadinta Sharafta iyo Sumcadda Dalka, kuwaas oo ay ka magacwday Marxuum Maxamed Cabdulle Xalane oo 1964-kii u dhintay Difaaca Calanka, kaasoo ay tiri illaa iyo Maanta Dadka Soomaaliyeed ma ilowsana wixii uu qabtay Marxuum Xalane.
Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar Cali Cumar oo kulanka casuumadda ah ee ay u sameysay ehelada Marxuum Daahir Gurxan hadal ka jeedisay ayaa sheegtay ugu horeyn in si qushuuc ay ku jirto ay u soo dhaweyneyso Marwadii iyo Ehelkii uu ka geeriyooday Marxuumka Daahir Gurxan, islamarkaana ay uga tacsiyayneyso geerida Marxuumka.
Sida loo xusuusto Xalane iyo Dad badan oo Difaaca Dalka u dhintay, ayeey Marwada Madaxweynaha tilmaamtay in abid loo xusuusnaan doono Marxuum Daahir Gurxan oo sidii Halyeeyadaas hore oo kale Naftiisa u huray Qarankiisa.
Marwada Madaxweynaha ayaa Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka war heyso oo ay daryeesho Ehelada ay ka dhinteen Halyeeyada u geeriyooday Difaaca Dalka oo uu Dahir Gurxan ugu dambeeyay. Waxaana intii ay Munaasabadda Marti qaadka Reerka Dahir Gurxan socotay, ay Marwada Madaxweynuhu qaar ka mida Rerkaas guddoonsiiyay Shahaaddo Sharaf lagu maamuusayay Qoyska uu Marxuumku ka dhintay.


