Beesha mareexaan oo codsaday iin xabada la joojiyo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Beesha mareexaan oo codsaday iin xabada la joojiyo

Post by FarhanYare »

Wararka caawa naga soo gaaraya Gobolka galgaduud gaar ahaana deegaanka lagu magacaabo Baagga iyo Kheydar oo saaka ay ka dheceen dagaalo kharaar oo u dhexeeyay laba beelood oo walalo ah oo halkaas wada daga ayaa sheegaya in ay caawa dagantahay xaalada goobihii lagu dagaalamay waloow Galabta casiradii xabadu la isku tuur tuuray.

Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayaa bilowday kadib markii ay maleyshiyo ka tirsan beesha degta degmada balanbal ay soo weerareen dad reer guuraa ah oo halkaas daganaa kana soo jeeda beesha degta degmada Guriceel waloow dagaalkaasi uusan ahayn mid xoogan hadana waxa uu sababay in la isku diyaar garoobo.

13 ruux ayaa la sheegay in ay ku geriyoodeen dagaalka halka ay ku dhaawacmeen 9 ruux waxaana lakala geeyay dhaawacyada degmooyinka Guriceel iyo Balanbal.

Dagaalkan ayaa daba socday dagaal shalay galinkii dnabe ka dhacay deegaanka oodaale oo ku dhow xuduuda Ethiopia iyo Somalia halkaas oo isla beelahaani ay shalay isku weerareen.

Maamulka dowlada ee Gobolka galgaduud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka beelaha oo uu ku tilmaamay mid no ah isla amrkana ay nasiib daro tahay in maanta dib loogu laabto dagaalkii qabaa’ilka.

Sidoo kale odoyaal iyo wax garad ayaa ku howlan joojinta colaada ka soo cuboonaatay haatan dadka wada dega deegaandaasi iyo in aysan dib danbe u soo laaban.

dhanka kale Maamulka Culumo’udiinka Ahlusuna waljamaaca ayaa ayaguna markiiba u diray ciidan hubaysan oo kal dhexgala maleyshiyaadka dagaalamaya waxayna sheegeen in cid aksta oo isku dayda in dagaalku sii socdo ay talaabo ka qaadi doonaan.

C/qani Aadan Gar-gaar oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ahlusuna oo isagoo ku sugan deegaanka Garas gaabta oo ka mid ah meelaha dagaalku ka socdo ayaa Allguriceel.com u sheegay in ay ku kala dhexjiraan haatan maleyshiyadii dagaalantay isla markaana aysan haatan socon wax xabad ah hase yeeshee an si rasmia h loo joojin wlai colaada.

Maahan markii koobaad oo dagaalo nuucaan ah oo kale ay ka dhacaan deegaandaasi hase yeshee dagaalada beelaha ayaa kus oo laa laabtay deeganka wuxuuse ahaa kii saaka dagaalkii ugu xoogana uguna qasaaraha badnaa ee dhexmara beelaha Mariixaan iyo Cayr,
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Beesha mareexaan oo codsaday iin xabada la joojiyo

Post by quark »

Clan wars in 2014 :meles:
User avatar
thegoodshepherd
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3571
Joined: Thu Jan 09, 2014 2:59 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: Beesha mareexaan oo codsaday iin xabada la joojiyo

Post by thegoodshepherd »

Image

Cayr meel xun ba laga haya cawaa :lol: Walahi sii xun baa la iin xasaqoay :tocry:

Reer Diini waa daad naxaristo ku yartahay ee abayo gaar baad noogu laydahay :oops:
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: Beesha mareexaan oo codsaday iin xabada la joojiyo

Post by FarhanYare »

^
niyada ku diiso :)
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”