
I swear these niccas are smoking crack!
. Suldaanka Beesha Mareexaan, Axmed Xasan Garbacune ayaa dhaliilay Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Waxqabadka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.
Suldaan Axmed Xasan Garbacune oo ka mid ah Salaadinta Beesha Sade Darood ayaa sheegay in Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay ku fashilantay Howshii Qaran ee loo dhiibay, wuxuuna R/W Cabdiweli Sheekh ku tilmaamay “Nin Dariiqa ka baxay”.
Sidee Qortay Warbaahinta AGGM oo ku hadasha Codka Beesha Mareexaan, Suldaan Axmed Xasan Garbacune ayaa yiri “Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh inti uu Howl Qaran qaban lahaa ayuu ku Mashquulay barakicinta Beelaha Marexaan iyo Habar Gidir”.
“Xukuumada Cabdiweli halki ay qaranka u adeegi lahayd waxey ku mashquushay in ay beelaha Marexaan iyo Habargidir ka barakiciso Gobolada Jubboyinka iyo Shabelada Hoose, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha la saftay Beelaha Kablalax iyo Biimaal oo ayagu doonaya in ay xog ku dhaxlaan deegan ay qabiilo dagan yihiin” ayuu intaa sii raaciyay Suldaan Axmed.
Suldaan Axmed Xasan Garbacune ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in uu “Si Deg Deg ah ula xisaabtamo” Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh.
Wuxuu Shacabka Goboladda Dhexe iyo Gobollada Koonfureed ugu baaqay in ay dhigaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo Waxqabad la’aanta Xukuumadda R/W Cabdiweli.
Jubaland is gone bitch nigga!