Professional governance well done Somaliland government

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Professional governance well done Somaliland government

Post by Khalid Ali »

Somaliland:qofka Hubaysan Ee Bilaysku Dilaan Mag-Dhow Kama Bixinayso Dawladdu”
Nuxurka go’aan Wasaaradda arrimaha guduhu soo saartay oo halis ku ah Ciidanka amniga iyo Bulshada rayidka ah iyo walaac laga muujiyay…

WARANCADDEHargeysa-17.6.2014(GNA)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta ku dhawaaqay, go’aamo cul-culus oo ka soo baxay shirar ku saabsan arrimaha nabad-gelyada oo Gobollada dalka lagu qabtay.

Hadal haynta go’aamadan oo hore loogu soo qaaday shirar ka dhacay Gobolada dalka, ayaa xaasaasiyad laga muujiyay qodobo ku jira oo cabsi badan ku abuuray bulshada.

Waxaana ku jira qodob fasaxaya inay bilaysku toogasho cad oo aan magdhow lahayn ku fulin karaan cid kasta oo iska caabin kala hor-timaada.

Waxaanay taasi sii hurinaysaa dareeno hore looga qabay hawl-galada ay fuliyaan Ciidanka Bilayska Somaliland beryahan dambe oo qaab cago juglayn ah u dhaca.

Qodobada ka soo baxay shirarka Wasaaradda arrimaha guduhu ku qabatay Gobollada, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in la fuliyo go’aamadda ka soo baxa Maxkamaddaha iyo inaan gacan la siinin qof dambiile ah

Go’aamada oo uu Wasiircadde kaga dhawaaqay Shir jaraa’id oo uu Maanta Magaalada Hargeysa ku qabtay ayaa u dhignaa sidan:-

1. In dadka wax dilay ee aan lagu heshiin in di"iyo la kala qaato lamariyo qiysaasta sharciga ah

2. In la fuliyo go'aamada garsoorka iyo maxkadamaha ee fulinta sugaya

3. in aan garab la siinin dambiilaha wax dila ama caadaystay markuu wax yeeleeyo qof islaam ahna beel dabada galiyo, waxaana lagu heshiiyey in dambiilahaasi wax gacana oo la siiyaa aanay jirin

4. in cid kasta oo hub kala hortimaada cidamada Amniga iyaga oo fulinaaya hawl gal sharci ah ee ku wax yeelooba ama ku dhinta in aanu haba yaraatee wax mag dhaw ah aanu lahayn cid loo raacayaana aanay jirin

5. in cidii gacan siisa gacan ku dhiiglaha ama dambiilaha iyo cid kasta oo sharciga ka hortimaada uu la mid yahay ruuxii fal dambiyeedka gaystay.

Dareen xaasaasi ah

Dadka qaar ayaa Go’aamadan hore iyo hadaba uga muujiyay walaac xaasaasi ah.

Waxa lagu tilmaamay kuwo fududeynaya inay ciidanku geysan karaan dilal ka badan kuwo ay hore ugu geysteen dad shacab ah.

“waxani maaha wax sharciya, waxay fududeynaysaa inay askartu si dhib yar toogasho ugu dilaan dadka rayidka ah, waxa kale oo ay abuuraysaa cawaaqib xumo weyn oo nabad-gelyada khatar ku ah”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed Faarax oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adaha nabad-gelyada Somaliland oo arrintan dhaliilsan.

Waxaanu intaasi ku daray “Sidaana waxa u dhaqma sirdoonka nidaamka keli taliska ah”.

Go’aankan ayaa ah mid maamul oo aan ka soo fulin Hay’addaha xeer dejinta Somaliland, waxaanu noqonayaa nidaam Maamul oo aan sharciyan loo fulin Karin.

Inkasta oo Dastuurka dalku qof kasta oo hub kala hor-yimaada Hay’addaha ammaanka uu dambille ka dhigayo, hadana marka go’aankan la bar bar dhigo ma jiro sharci qeexaya arrintan oo markaasi madnuucaya in qofka noocaas ah hadii la dilo aanu mag-dhow lahayn.

Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha iyo asxaabta Siyaasadda ayaa durba waxa ka soo baxaya dareenno go’aankan lid ku ah.

Dhinacyada Bulshada ee arrintan diidmada kediska ah kala horyimi waxay tilmaamayaan inay khatar ku tahay nabad-gelyada dalka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Goleyaasha xeer dejinta oo iyagu awood u leh aasaaska xeerarka nabad-gelyada guud iyo kuwa gaarka ah.

Marka si guud loo eego qodobkan dareenku ka dhashay, waxa muuqata in lagu deg degay xiligan dhaqan gelintiisa.

Sababtoo ay tahay waxa meesha ka baxaya in dilalka ciidanka amnigu geystaan ama waxyeelooyinka kale lagu dhameeyo si Sulux iyo sabaallo ah, iyadoo laga duulayo inay dhacaan falal lagaga aargoosanayo askarta.

Waxaana taasi ka sii dhalan kara inay meesha ka baxdo hawl-gudashada dhiiran ee Bilaysku fuliyaan cabsi darteed.

Si kastaba ha ahaatee arrintan maanta wasiirku ka dhawaajiyay ayaa ah mid laba khatarood keeni karta.

In Ciidanka amnigu si arxan daro ah u weeraraan shacbiga oo xataa hadii ay hub kala horyimaadaan aanay si badheedh ah u toogan jirin, balse ay cabsi gelin jireen.
Iyo inay askarta laftoodu la kulmaan falal lagaga aar-goosanayo.
Waxaana sidaa aaminsan dadka arrimaha ammaaanka tacliiqiya ee arrintan ka hadla.

Gobanimonews

Hargeysa Office
User avatar
Hawdian
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2491
Joined: Thu Jul 04, 2013 8:02 pm
Location: Berbera to Tis Abay with one step.

Re: Professional governance well done Somaliland government

Post by Hawdian »

Good progress. My adeero has good ideas like all Isaxaaq :lol: :lol:

He handled many security issues. Today Hargeisa is a lot safer than under his predecessor. The rape disaster has been curbed for example and credit goes to the Halyeey who set up 999.
User avatar
waraabe251
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3924
Joined: Fri Jun 13, 2014 3:20 am

Re: Professional governance well done Somaliland government

Post by waraabe251 »

I love warancadde
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Professional governance well done Somaliland government

Post by X.Playa »

loool professional , my god , every time I take a look at the uniform of Somaliland's women police I loose the little hope that I have for Somalis and their religion. Women are made into handicaps all dressed in drapes that does nothing but to fulfill their Arab adopted custom of hair obsession. Women police in Puntland and Somalia by far are dressed better and look more professional. The Somaliland once are really an embarrassment, they remind me of that poor lone runer Iranian woman in the Olympic dressed to loose and be laughed at.
dough
Posts: 32
Joined: Thu Oct 31, 2013 10:11 pm

Re: Professional governance well done Somaliland government

Post by dough »

I can't read Somali... Can anyone translate? :?
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”