guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli

Post by THE_TRUTH1 »

Shabelle State oo guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli
JUNE 28, 2014 7:51 PM0 COMMENTSVIEWS: 796


Marka (Caasimada Online) - Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa wuxuu Gudoomiye cusub uu u magacaabay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha, ayaa wuxuu Gudoomiyaha Marka ugu soo magacaabay Maxamed Axmed Muuse, oo Deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtada, ayaa waxaa lagu sheegay in Maxamed Axmed Muuse uu ka hawlgali doono Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose maalmaha soo socdo, waxayna magacaabidiisa ku soo aadeysaa, xilli Ciidan taabacsan Maamulka Shabelle State ay la wareegeen barro kontoroolo, oo 9-kii bishaan ay Magaalada Marka ka sameysteen maleeshiyadii xiriirka la lahayd Al-Shabaab.

Maxamed Axmed Muuse, ayaa aad ugu dhow Gudoomiyaha Xeer Ilaalinta Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse, kaa oo uu adeerkii dhalay.

Magacaabida Gudoomiyaha cusub ee Magaalada Marka, ayaa waxay sidoo kale ku soo aadeysaa, xilli Maamulka Shabelle State uu si weyn uga biyo diiday, in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Maamulka loo dhisaayo Gobolada Baay iyo Bakool.

Arrintan ayaa fashil ku noqoneysa ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo gobol dad ay gaacanta ku hayaa doonaya inuu dad kale u gacan geliyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Marka

Caasimada@live.com


:dj: :stylin: :clap: Shabelle State
User avatar
Classiq
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1189
Joined: Sat Mar 22, 2014 10:16 am
Location: Toronto, Ontairo

Re: guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli

Post by Classiq »

is he HG?
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli

Post by THE_TRUTH1 »

Shabelle state should avoid the gov focus on security and reconciliation this the way forward ....

Shabelle State supporters should hold demonstration in The two Shabelle


Hawiye need to reconcile and work with Digil N mirfle - Bimmal - and the Bantus clans ......


I think the new mayor is a Marka native Most likely a biyaamal or other Digil n mirfle :clap:
User avatar
Classiq
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1189
Joined: Sat Mar 22, 2014 10:16 am
Location: Toronto, Ontairo

Re: guddoomiye cusub u magacaabay Marka + Fashilka C/Weli

Post by Classiq »

Inshallah they do, thats the only way to build a proper and functioning state :up:
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”