(Pi Qardho) Islaan Bashiir Islaan Cabdule oo ka mid ah Isimada Miisaanka ku leh Puntland, ayaa maanta booqasho ugu tagay Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Islaan Bashiir Islaan Cabdule ayaa muhiimada booqashadiisu ay ahayd inuu muujiyo dareenkiisa farxadeed ee ku aadan Caleemo saarka Boqorka,maadama xilliga la Caleemo saarayay Boqorka uusan ku sugnaayn dalka,oo uu ku maqnaa dibada.
Islaanka ayaa qiimayn uu u hayo Boqorka darteed uso galay Safar dheer oo uu kaga yimi Gaalkacyo,waxaana arrintaasi si wyan uga mahadceliyay Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Hoos Ka Daawo Sawirada,oo uu naso gaarsiiyay Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cali ‘’Balack’’;-













