Baay: Qansaxdheere oo banaanbax lagu tageeray heshiiskii KG

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

StormShadow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2603
Joined: Sat Feb 22, 2014 11:00 am

Baay: Qansaxdheere oo banaanbax lagu tageeray heshiiskii KG

Post by StormShadow »

--Qansaxdheere: Banaanbax lagu taageerayo heshiiskii Muqdisho oo Qansaxdheere ka dhacay

Banaanbax lagu taageerayo heshiiska dhinacyadii isku hayay maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ay dhawaan ku gaareen magaaladda Muqdisho ayaa maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay dadweynaha ku dhaqan degmada Qansaxdheere iyo masuuliyiinta maamulka, kuwasoo muujiyay sida ay u taageersan yihiin heshiiska lagu gaaray magaaladda Muqdisho oo ay garwadeenka ka ahayd dowlada federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi oo la hadlay dadweynaha ka qeyb galay banaanbaxa ayaa sheegay in maamulka degmada iyo shacabka ay taageersan yihiin heshiiskaas wuxuuna codsaday in la dedejiyo dhismaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ee ka kooban seddexda gobol.

Shalay ayaa sidoo kale banaanbax lagu taageerayo heshiiska lagu gaaray magaalada Muqdisho wuxuu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
http://hargeele.com/qansaxdheere-banaan ... ka-dhacay/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”