Maareeyaha garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi International Airport ee Magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho weyn ka muujiyey Diyaarado iskugu jira Xammuul iyo kuwa dagaalka Oo Xilliyada Habeenkii ah kasoo daga Garoonka kuwaasi oo dhibaato wey iyo bur bur ku haya Garoonka, waxaana hadalkaan uu ka sheegay Munaasibad maanta xariga looga jarayey 1500 Oo Mitir Oo ka mid ah Dhabba Diyaaraddu ku oroddo(Runway) ee garoonka Oo Dayactir lagu sameeyay.
Siciid C/raxmaan Dhagaweyne Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalakcyo ayaa Sheegay in Diyaaradahaan laga lee yahay Dalka Mareykanka, islamarkaasina ay u soo dagaan Ciidamada Hay'adda Ammaanka ee P.I.S loo yaqaano, isagoo sheegay in dhowr jeer ay ka digeen maadaama garoonku uusan awood u lahayn Diyaaradaha Waaweyn ee PC130 loo yaqaano.
Waxaa uu intaas ku daray Maareeyuhu in Garoonka Markiisii hore loosoo dhisay in ay isticmaalaan Diyaaradaha Yar yar ee Bulshada, islamarkaasina Diyaaradahaan waaweyn ee xilliga habeenkii ah kusoo dagaya ay bur bur xoog leh u gaysteen, waxaana uu sheegay in ay dhowr jeer ka digeen oo xittaa Dowladda dhexe ee Puntland ay u gudbiyeen dacwaddaas.
Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland Mudane Xasan Siciid oo isna maanta xariga ka jaray 1500-taan Mitir ee Maanta xariga laga jaray ka dib markii dib u habayn iyo Dayactir lagu sameeyay, waxaana uu sheegay in arrinta Maareeyuhu ka dhawaajiyay ay fiiro gaar ah u yeelan doonaan.
Mudane Xassan Siciid waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Puntland ay waddo dib u dhis iyo dib u habayn lagu samaynayo Garoomada Diyaaradaha Deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalooyinka waaweyn ee Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaana uu munaasibadda ka sheegay in Garoonka Diyaaraha Magaalada Gaalkacyo uu yahay midka ugu shaqada badan Garoomada Diyaaradaha Puntland.
Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in wax laga qaban doono Diyaaraha Maareeyaha garoonku sheegay in ay bur burinta ku hayaan garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee laga lee yahay Dalka Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee Magaalada Gaalkacyo habeenada Qaarkood Xilliga Hurdada ayaa laga maqlaa Guuxa iyo dhawaqa Diyaaradaha Waaweyn ee Habeenkii isticmaala Gagida Cabdullaahi Yuusuf International Airport, islamarkaasina dad Magaalada intooda badan ayaa isweydiiya waxa ay yihiin diyaaradahaan iyo sababta ay Garoonka uga kacaan.
Axmed Cali Kilwe
Xafiiska Wararka APL, Gaalkacyo
Galmudug website
Gaalkacyo (KON) - Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in Hub Sharci darro ah Maamulka Puntland looga soo dajiyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.
Kadib Kulan ay yeesheen Golaha Wasiiradda, Baarlamanka, iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka Maamulka Galmudug ayey walaac xooggan ka muujiyeen "Qatarta kusoo wajahan Deegaanka".
Waxaa Kulankaasi lagu Sheegay in Maamulka Puntland ay doonayaan in Qal-Qal la galiyo Ammaanka ka Jira Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug.
Galmudug ayaa sheegtay in Maamulka Faroole uu ka shaqeynayo Colaad iyo Dagaal "Waa Nasiib Daro in Xiligaan Calaamado Colaad Abuurid Ah ay Dadka qaarkii Wadaan iyagoo Qalab Ciidan Mudooyinkaan si Qarsoodi ah looga soo dajiyo Garoonka Xiliga Habeenkii" Ayaa lagu Qoray Warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedkaan oo ay si wada jir ah usoo saareen Golaha Wasiiradda, Baarlamaanka iyo Hay'addaha Ammaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa lagu sheegayaa in Xiliga Saqda Dhexe Diyaarado aan lahayn Layr ay ka soo dagaan Magaalada Gaalkacyo, Kuwaaasi oo Wada Hub Sharci daro ah.
"Arintaan waxey Jabinayaa Heshiiskii 1993dii ay Wada gaareen Jen. Max’ed Faarax Caydiid iyo Col.C/laahi Yuusuf Axmed kaa oo ahaa in uu Garoonku Noqdo mid Nabadeed kana Caagan Dhaq dhaqaaqyada Colaadaha Sida in ay ka soo Dagaan Diyaarado Dagaal iyo Nuucyada Hubka oo dhan." Ayuu lagu Qoray Warsaxaafadeedka.
Keydmedia Online ayaa 13-kii Bisha Oktober soo Qortay in Labo Diyaaradoo oo sida Hub ay kasoo dageen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo. Labadaan Diyaraddood ayaa Hubka kasoo qaaday Dalka Yemen, iyadoona arintaani ay ka danbeeyso kadib Safarkii Faroole oo booqday wadanka Yemen.
Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo