Madaxweynaha maamulka Shabelle State oo ka hadlayay xaaladaha gobalka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay Abuukar Mardaadi in weli ay ciidamada maamulka Shabelle State iyo masuuliyiinta ay ku sugan yihiin magaalo madaxda gobalka Shabeellaha Hoose ee Marko.
Amaanka magaalada Marko ayuu sheegay in si weyn ay u adkeeyeen ciidamada maamulka Shabelle State sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulkaasi Abuukar Mardaadi

waa mid sugan, mararka qaar way dhacaan weeraro ay nagu soo qaadaan niman aan u malaynayno inay yihiin nimanka magaalada ka maqan ee bannaanka ka jooga(Biyomaalka), laakiin xaaladdu way yara deggan tahay hadda” sidaas waxaa sheegay Abuukar Mardaadi.
Waxaa sidoo kale uu wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiinta seddexda gobal ay sheegtaan masuuliyadda gobalka Shabeellaha Hoose.
“Looma baahna waxyaabaha qaar Shabeellaha Hoose waxaa ka taliya Shabelle State adinkaba waad soo arki kartaan marka nimanka Baydhabo iyo Xamar ka qeylinaya ha iska qeyliyaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha Shabelle State.
Weli xal muuqda lagama gaarin xaaladda gobalka Shabeellaha Hoose oo meelaha qaarna ay ka arrimiyaan ciidamada Alshabaab.
Afhayeenka beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo wareysi xasaasi ah bixiyay ayaa sheegay in gobalka Shabeellaha Hoose ay degaan beelaha Hawiye iyo Digil isla markaana dowladda laga doonayo in dadkeedu ay cadaalad ku maamusho.
Wuxuu ka soo horjeestay maamulka seddexda gobal ee Koonfur Galbeed wuxuuna hoosta ka xariiqay Axmed Diiriye Cali in gobalka Shabeellaha Hoose aan laga maamulaynin magaalada Baydhabo.
“Adeer Shabeellaha Hoose 80% waxaa deggan Hawiye iyaga ayaana xaq u leh maamulka, maamulka Shabelle State ayaana hadda mideeyay goballadaasi Shabeellaha Hoose iyo kan DHexe.

Listen to abwaan Diiriyes Interview.. http://saadaalnews.net/?p=16757