Somaliland oo lacagaha howlgabka loo bilaabay macallimiin
Qalab kale ku ciyaar
Waxaa maanta magaalada Abuja ee dalka Nigeria ka furmaya shirweynaha caalamiga ah ee looga hadlo lacaga la siiyo dadka howgabka ah.
Shirweynahan oo ah kii ugu horreeyay ee lagu qabto qaaradda Afrika ayaa waxaa diiradda lagu saaraya sidii lagu hormarin lahaa qaabka bixinta lacagaha howlgabka ee qaaradda Afrika.
Haddaba Somaliland ayaa dhowaan markii ugu horreysay lacag xaqoodii ah iyo lacag kale oo bil walba ay qaadanayaan oo hawl-gab ah la siiyay kooxdii ugu horreysay oo macallimiin ah oo dawladda u shaqeynaayay muddo dheer.
Macallimiintaasi waxaa ka mid ah Maxamed Yuusuf Dagaal, oo weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige uu kula kulmay magaalada Hargeysa, oo uu ka wareystay bal xaqa la siiyay iyo lacagta hawl-gabka ee loo qoray waxa ay yihiin?
http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_m ... sion.shtml