Maamulka Gobolka Banaadir uu Gudoomiyaha ka yahay Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa markii lasoo magacaabay waxa ay balanqaadeen in ay waxbadan ka qaban doonaan amaanka Magaalada Muqdisho, taa oo hada muuqaneysa in ay ku fashilmeen .
Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo u badan Dhalinyaro aan qibrad badan laheyn ayaa markii ay xilalka la wareegayeen Hadaladii ugu horeeyay ay jeedinayeen ahaa in ay wax badan ka qaban doonaan amaanka Degmooyinka loo magacaabay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa ku cel celiyay in la hoosgeynayo Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliiska Gobolka Banaadir, mana muuqato ilaa hada Ciidamo Maamulka Gobolka Banaadir ka amar qaata oo sugaya amaanka Gobolka .
Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay Falal lidi ku ah Amaanka Caasimada , waxaana Magaalada ka dhacay Qaraxyo iyo Dilal qorsheesan oo loo geestay Masuuliyiin iyo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.
Ilaa hada ma muuqato dadaalo looga hortagayo amaan darada kusii baaheysa Degmooyinka Gobolka Banaadir , Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la tilmaamay in aysan qibrad badan u laheyn dhinaca amaanka iyo howlaha la xariira.
Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa intooda badan ku fashilmay in ay xariir layeeshaan Dadka ku dhaqan Degmooyinka ay maamulaan si la isaga kaashado sugida amaanka iyo hormarka Degmooyinka.
Shacabka Magaalada Muqdisho oo markii horaba aan ku qanacsaney dhalinyaradan lagu soo xushay Shahaadada balse aan laheyn qibrad dhinaca maamulka iyo is dhax galka bulshada ayaa muujinaya cabsi la xariirta in ay sii kordhaan amaan darada ka jirta Gobolka Banaadir hadii aysan Dowladu isbadal deg deg ah la imaana.
Degmooyinka Gobolka Banaadir 10-kii maalin ee la soo dhaafay Qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo ka dhacay waxaa lagu dilay dad kor u dhaafaya 40-qofood oo isugu jira Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Ciidamo , waxaana inta badan dilalka ka dhaca Muqdisho Masuuliyadeeda Sheegta Xarakada Al-Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com
Jen. Muungaab failed We need strong Man he is a Bird
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1512
- Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
- Location: canada
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 18 Replies
- 2143 Views
-
Last post by Amethyst
-
- 9 Replies
- 1365 Views
-
Last post by TarTar
-
- 11 Replies
- 1474 Views
-
Last post by Vivacious
-
- 35 Replies
- 2344 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 1662 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 12 Replies
- 1439 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 13 Replies
- 1285 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 585 Views
-
Last post by UlteriorMotive
-
- 6 Replies
- 807 Views
-
Last post by TAATIKO
-
- 5 Replies
- 420 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil