Dowladda Kenya oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Britain
A Tit for Tat from bantu Kenya to UK, after the latter warned its citizens from travelling to Kenya, and also stopped it Khat exportation business.
Sabti, July 12, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinteeda ku war-gelisay in ay ka digtoonaadaan inay taraasit kusii maraan garoonka caalamiga ah ee Heathrow oo ku yaalla magaalada London ee xarunta dalka Britain, iyadoo sheegtay inay suuro-gal tahay in ay ka dhacaan falal argagaxiso oo ay geysato Al-Qaacida.
Sabtida maanta ah ayuu xogyahaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Dr. Karanja Kibicho wuxuu shaaciyay inay heleen warbixinno sheegaya inay suuro-gal tahay in weerarro argagaxiso lala beegsdo groonka diyaaradaha Britain ee Heathrow.
“Warbixinno ay bixiteen saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay inay dagaalyahannada Al-Qaacida ee Yemen iyo Suuriya isku dayayaan inay sameeyaan bambooyin awood u leh in lagu soo rido diyaaradaha. Warbixinnadu waxay muujinayaan in dalka Britain uu noqon karo dalka ay saameynta ugu weyn ku yeelan karaan weerarradaas,” ayuu yiri Dr. Kibicho.
Xoghayaha ayaa intaas ku daray. “Innagoo saldhig ka dhiganayna warbixinta waxaan ku wargelinaynaa muwaaindiinta Kenya inaysan u safrin magaalada London, halkaasoo ay macquul tahay in weerarradan argagaxisada ah lala beegsado.”
Dr. Kibicho ayaa talooyinkiisa raaciyay in muwaadiniinta Keenyaanka ahi ay marinno kale sii maraan marka ay u socdaalayaan Mareykanka, sida Itoobiya, Imaaraadka, Netherlads, Addis Ababa iyo kuwo kale, halka ay ka mari lahaayeen London. Madaama uusan jirin duulimaad toos ah oo ka baxa Kenya oo dalka Mareykanka tagaya.
Waa markii ugu horreysay oo xukuumadda Kenya ay soo saarto digniino ku saabsan in safar lagu sii maro dalka Britain, iyadoo la xusuusto in tani ay ku soo beegmayso xilli dowladda Britain ay joojiso gabi ahaan jaadkii ganacsiga uga tegi jiray Kenya ee dalkeeda la geyn jiray.
Sidoo kale, tani waxay imaanaysaa xilli dowladaha Britain iyo Mareynaka ay uga digeen muwaadiintooda bilihii lasoo dhaafay inay safar ku tagaan Kenya oo ay sheegeen inaysan ammaan ahayn, halkaasoo ahayd goobta ugu badan ee ay dalxiiska ku tegi jireen dadka u dhashay dalalka reer galbeedka.
Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shaqaalaheeda safaaradda Kenya intooda badan kala baxay halkaas, kaddib markii uu culeys ku yimid amniga Kenya.
Dalka Ingiriiska ayaa waxaa ku nool 130,000 oo qof oo Kenyan ah, balse ma sheegin dowladdu in dadkaas ay kasoo safri karaan garoonka London iyo in kale.
Xukuumadda Britain ayaa maanta oo Sabti ah dhankeeda sheegtay inay ka caawinayso dowladda Kenya dagaalka ay klua jirto argagaxisada halista ku ah ammanka dalkooda, balse weli dowladda Britain kama aysan jawaabin hadalka dingiinta ah ee Kenya ay soo saartay ee ku saabsan inay dhici karto in weerarro argagaxiso lala beegsado garoonka diyaaradaha ee Heathrow.
Dr. Kibicho ma sheegin in garoonka Jommo Kenyatta ee Nairob uu qayb ka yahay garoommada ay beegsan doonaan kooxaha Al-Qaacida ku xiran ee ka dagaalama dalalka Yemen iyo Suuriya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/July/w ... 5wfGv.dpuf
Dumb bantu Kenya warning its citizens from travelling to UK
Moderator: Moderators
- LeJusticier
- SomaliNet Super
- Posts: 8463
- Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
- Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka
- Octavius
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1689
- Joined: Thu May 08, 2014 3:00 pm
- Location: Oh Allah, I ask of you peace & faith in this world & in the hereafter
Re: Dumb bantu Kenya warning its citizens from travelling to
Its a futile action but the Kenyans have got some balls, I'll give them that.


- Hodan94
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4931
- Joined: Sat Jun 09, 2012 4:16 pm
- Location: cirka iyo dhulka dhexdooda.
Re: Dumb bantu Kenya warning its citizens from travelling to
wow Kenya really can stand up for itself... good for them
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 301 Views
-
Last post by newsbot
-
- 26 Replies
- 1204 Views
-
Last post by manarab
-
- 3 Replies
- 263 Views
-
Last post by Gantaal05
-
- 17 Replies
- 933 Views
-
Last post by zingii
-
- 10 Replies
- 847 Views
-
Last post by original dervish
-
- 18 Replies
- 1324 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 6 Replies
- 766 Views
-
Last post by Basra-
-
- 13 Replies
- 1220 Views
-
Last post by Vivacious
-
- 10 Replies
- 1034 Views
-
Last post by StormShadow
-
- 47 Replies
- 3406 Views
-
Last post by fatimazahra