Kala Duwanaanta Lahjada Soomaaliga

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Kala Duwanaanta Lahjada Soomaaliga

Post by KingWaslawi »

Berigii ay Soomaaliya iyo Somaliland sida kumeel-gaadhka ah isku dawladda u ahaayeen ayaa waxa dhici jirtay in Ardayda ay dhaleen Askarta, Macalimiinta iyo Shaqaalaha Dawlada waala bed-bedeli jirey, Halka Waalidka loo bedelo ayuu Ardayguna Iskuulka u bedelan jirey, Tusaale ahaan waxa dhici jirtay inuu Qofku Faarah Omar Hargaisa ku bilaabo, Sheekh ku Xigsiiyo, Sh, Bashiir Burco sanad ku dhigto, Garoowe laba sano ku dhigto, Jawhar, Galkacayo ilaa Banadir, Dugsiga dhexe iyo hoose waxa Macquul ahayd inuu 8 gobol ku qaato Arday kamida Ardayda Ciidamadu dhaleen oo Hargaisa laga bedelay ayaa Xamar loo bedelay, Saddex Maalmod marku Fasalkii Fadhiyay ayaa maalinti dambe Xiisad English ah loosoo galey, waa Macalin Ciyaala Banadir ah oo weligi Xamar dhaafin iyo Ardaygii oo Hargaisa mooyee gobol kale soo marin, waa kaas Englishtii Bilaabay

A book = Buug waaye
Haayoo way Noqonaysaaye
A pen = Qalin waayee
haayoo way noqonaysaaye
A Cat = Mukulaal waayee
Mukulaal Aa ? oo Mukulaashu waa maxay,
Yaanyuur waaye
oo Yaanyuurtuna waa maxay ?
Fiiri adiga, Mukulaal Makasaysid, Yaanyuur makasaysid
Wallay Iga tahay,Dee malaha English baad talyaani ku sharaxaysaa oo waa maxay yaanyuurtu dee?
Birimo in lagu celiyo waaye,
Oo Birmaduna waa maxay ? (Birimadu waa uulada ama Fasalka koowad ee dugsiga hoose)
Ardaygii waxa lagu xukumay inaanu fasalka la qabsanayn Maadaama oo Mukulaal iyo Yaanyuur iyo weliba Birimo Garan waayay hadda khaladna kuma laha oo ninkani Bisad buu yaqaan oo fahmi lahaa.
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Kala Duwanaanta Lahjada Soomaaliga

Post by KingWaslawi »

Yaa fahmay?
TheLoFather
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5352
Joined: Wed Apr 14, 2010 11:49 am
Location: No Shelter Is Safer Than Piety

Re: Kala Duwanaanta Lahjada Soomaaliga

Post by TheLoFather »

KingWaslawi wrote: Mon Jul 14, 2014 4:15 pm Berigii ay Soomaaliya iyo Somaliland sida kumeel-gaadhka ah isku dawladda u ahaayeen ayaa waxa dhici jirtay in Ardayda ay dhaleen Askarta, Macalimiinta iyo Shaqaalaha Dawlada waala bed-bedeli jirey, Halka Waalidka loo bedelo ayuu Ardayguna Iskuulka u bedelan jirey, Tusaale ahaan waxa dhici jirtay inuu Qofku Faarah Omar Hargaisa ku bilaabo, Sheekh ku Xigsiiyo, Sh, Bashiir Burco sanad ku dhigto, Garoowe laba sano ku dhigto, Jawhar, Galkacayo ilaa Banadir, Dugsiga dhexe iyo hoose waxa Macquul ahayd inuu 8 gobol ku qaato Arday kamida Ardayda Ciidamadu dhaleen oo Hargaisa laga bedelay ayaa Xamar loo bedelay, Saddex Maalmod marku Fasalkii Fadhiyay ayaa maalinti dambe Xiisad English ah loosoo galey, waa Macalin Ciyaala Banadir ah oo weligi Xamar dhaafin iyo Ardaygii oo Hargaisa mooyee gobol kale soo marin, waa kaas Englishtii Bilaabay

A book = Buug waaye
Haayoo way Noqonaysaaye
A pen = Qalin waayee
haayoo way noqonaysaaye
A Cat = Mukulaal waayee
Mukulaal Aa ? oo Mukulaashu waa maxay,
Yaanyuur waaye
oo Yaanyuurtuna waa maxay ?
Fiiri adiga, Mukulaal Makasaysid, Yaanyuur makasaysid
Wallay Iga tahay,Dee malaha English baad talyaani ku sharaxaysaa oo waa maxay yaanyuurtu dee?
Birimo in lagu celiyo waaye,
Oo Birmaduna waa maxay ? (Birimadu waa uulada ama Fasalka koowad ee dugsiga hoose)
Ardaygii waxa lagu xukumay inaanu fasalka la qabsanayn Maadaama oo Mukulaal iyo Yaanyuur iyo weliba Birimo Garan waayay hadda khaladna kuma laha oo ninkani Bisad buu yaqaan oo fahmi lahaa.
Oo meeshan ka yar wax loogu dhigayey, ma isaga iyo macalinkaas uunbaa joogey?
Mid kaga soo horeeyey oo Hargaisa ama Somaliland ka yimid ama Cid kale oo u kala turjumta ardeeydaa klaaskoo dhan kumeey jirin miyaa? Klaaskaba iska dhaafo skoolka idil qof u kala turjuma oo aqoon af soomaali leh miyuuna jooginba oo macalinka ku yidhah 'qeerkaa ka hadhee ka yar qeerkii haka reebin bisad buu yaqaanaaye'?
Mise meeshu ba ma hooy baas ismadhaanto iyo dhasheedii isku heleen ayeey aheeyd?
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”