Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Sheegay Inaan Midaynta Maamulada Galmudug iyo Galgaduud wax Saamayn ah ku lahayn Puntland

Muqdisho(Ramaas)August-04-2014-Ra’isal Wasaaraha Somalia Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa sheegay inaan Heshiiska Gobolada dhexe ee Somalia lagu midaynayaa saamayn ku lahayn Maamulka Puntland. Waxa uu sheegay in Midaynta Maamulada Galgaduud iyo Mudug ay soo kordhinayso wada shaqaynta shacabka Gobolada dhexe ku nool.
“Sida aad ogtihiin gobollada dhexe waxaa ka jiray maamullo yar-yar oo aysan ka dhaxayn wada shaqayn, waxaana xukuumaddu samaysay guddi golaha wasiirrada ka tirsan oo wada xaajood la fura dhinacyadaas si loo mideeyo maamullada gobollada dhexe ka jira, waxaana rajo fiican ka qabnaa in dadka deegaanadaas dagan loo sameeyo maamul ay ku midaysan yihiin. Heshiiskii maamul u samaynta gobollada dhexe ee Soomaaliya maahan mid wax u dhimaya maamulka Puntland oo walaac ka muujiyey heshiiskaas, waxuuna si cad u qeexay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in heshiisku uu san wax u dhimayn deegaanada Puntland ay maamusho” ayuu yiri Ra’isal Wasaaraha oo ka qayb galay kulan Macadka Daraasaadka ee Heritage qabtay.
Maamulka Puntland ayaa heshiiskaasi ka soo horjeestay islamarkaana Xukumadda dhexe xidhiidhka u jaray markii uu soo baxay heshiiska lagu midaynayo Maamulada Galgaduud iyo Mudug.
http://ramaasnews.com/index.php/News/Ra ... tland.html

