Page 1 of 1

Axmed Cabdi Xaabsade oo Puntland u goostay ?

Posted: Sat Aug 09, 2014 10:01 am
by THE_TRUTH1
Axmed Cabdi Xaabsade oo Puntland u goostay ka dib





Warar hoose oo ay heshey Warbaahinta Alldhacdo ayaa in sheegay in Xaabsade in Xaabsade uu u goostey dhanka Puntland oo uu hadda Garoowe ku suganyahay.
Gudoomiyihi ugu Horeyey ee Golaha wakiiladda Somaliland Sidoo kale Wasiir soo noqdey haatana ahaa La taliyaha Madaxweyne Siilaanyo Xaabsade ayaa ka duuley Jigjiga oo uu mudooyinkii udambeeyayba Ku Sugnaa waxana uu Xalay ku hoyday magaaladda Garoowe sida Xoguhu tibaaxayaan Xabsade mudadii uu ku sugnaa Jigjiga Xarunta Ismaamulka Dawlad deegaanka Somalida waxa uu xidhiidh la sameeyay Maamulka Puntland si Hadii ay is afgarad ka gaadhaan damaciisa ah In Xil loo magacaabo uu halkaasi tago.
Waa markii labaad ee Axmed Cabdi Xaabsade uu ka tago Somaliland, isagoo sannadkii 1997 ka tagay Somaliland ka dib markii loo dooran waayay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu hayay sanadihii 1993-kii illaa 1996-kii.
Axmed Cabdi Xaabsade mudadii uu dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay uu xilalka ka hayay Somaliland waxa uu eedaymo iyo hanjabaado kala duwan u jeedin jiray maamul goboleedka Puntland oo uu xiligaasi majaraha u hayay madaxweyne C/Raxmaan Faroolle.
Puntland ayaa xiligii C/Raxmaan Farroolle waxay ku naanaysi jireen Axmed Xaabsade nin u kala dab-qaada oo iskaga wareega maamuladda kala duwan, iyagoo uga jeeday hadalkaasi inuu yahay nin aan mowqif siyaasadeed lahayn ee saaxiib la ah kuraasida iyo xilalka dawladnimo ee uu markaas ka tirsan yahay.
Dhowaan Ayay ahayd markii xaabsade uu warbaahinta ka sheegay in uu quus ka taagan yahay Siyaasadda Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.......

Re: Axmed Cabdi Xaabsade oo Puntland u goostay ?

Posted: Sat Aug 09, 2014 10:14 am
by waraabe251
stop making topics that exist
viewtopic.php?f=246&t=351971
use that topic

Re: Axmed Cabdi Xaabsade oo Puntland u goostay ?

Posted: Sat Aug 09, 2014 10:31 am
by THE_TRUTH1
Will Isaaq defend SSC ?

Re: Axmed Cabdi Xaabsade oo Puntland u goostay ?

Posted: Sat Aug 09, 2014 7:09 pm
by Deqa111
Dhulbahante are like african wild buffalos they look for the greener grass, who ever pays them the highest they will be loyal but as soon as the money stops they already on the move.