
Maleeshiyaad Ka Soo Jeeda Beesha Sacad Yoonis Oo Degaanka Bohol Ku Rasaseeyay Shaqaalaha Sherkada DNO.
(SLT-Hargaysa) Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Sacad Yoonis, oo hubaysan ayaa degaanka Bohol waxay ku rasaseeyeen shaqaalaha Sherkada DNO, oo ah
sherkad laga leeyahay waddanka Norway oo hawlo shidaal baadhis ah ka waday deganadaas.
Wararka ay Shabakadda Somalilandtoday.com ka helayso degaankaas, kooxdaan ayaa markii hore la modaayay maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Dhulbahante,
balse wararka soo baxay hadda ayaa xaqiijiyay in kooxdan maleshiyaadka ahi ay ka soo jeedaan Beesha Sacad Yoonis.
Goobta uu falku ka dhacay ayaa ah degaanka Bohol oo beeshaasi degto, lama garanaayo sababta dhabta ah ee falkani ka dhashay. Balse waxaan shaki ku jirin in
qaabka wacyigalin ahaan loo galo hawlaha shidaal baadhista Somaliland, ay tahay mid aan bislayn oo inta badan bulshadu dhaliilo xoogan u soo jeediyaan. Geesta
kale bulshada Somaliland ayaan wali u bislaan soo saarista khayraadkooda, waxaana lagu tilmaama ummad caadifada qabiilku ka xoog-badan tahay, taas oo ay ugu biirsantay habka loo wajaho sahaminta shidaalka, oo aan dadka laga dhaa-dhicin wax wacyigalin ahna aan loo samayn.
http://somalilandtoday.com/maleeshiyaad ... rkada-dno/