Qab qabashada Takfiirka, ayaa waxay muddooyinkaan dambe ka soconeysay Degmada Baardheere, wuxuuna Maamulka Al Shabaab ee Baardheere uu ku eedeeyay in ay dadka gaaleysiinayaan.
Xubnaha maanta laga qab qabtay Degmada Baardheere, ayaa waxay caawa ku hooyanayaan Saldhigii Booliska ee Baardheere, oo ay gacanta ku heyso Al Shabaab.
Shabaabka, ayaa waxay kaloo albaabada isugu laabeen Masaajidada ay ku cibaadeystaan Takfiiriyiinta, waxayna u muuqdaan in ay ka rarayaan Degmadaasi Baardheere.
Madaxa Garsoorka ee Degmada Baardheere Sheekh Maxamed Diinsoor, ayaa wuxuu horey uu Urur Diimeedka Takfiir uu u soo bandhigay inay bulshadu ku dhex jiraan, oo aynaan takoorin. Haddii kalana ay ka rarari doonaan Baardheere.
Al Shabaab, ayaa sidoo kale waxay dhawaan Urur Diimeedka Takfiirka ay ka ceyrisay Degmada Jilib iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa qudhiisa lagu eedeeyaa in ay ka tirsan yihiin xubno aaminsan mabda'a Takfiirnimada, marka loo fiiriyo gacanta birta leh ee ay ku maquuninayaan bulshada Somaliyeed.
I told you that this news would confuse you.
Its like Nazis arresting other nazis, or communists putting in prison other communists.

