CIIDANKA QARANKA SOMALILAND OO FALLAAGADA CALI KHALIIF KAGA DABA TAGAY GUDAHA ITOOBIYA
September 1, 2014 - Written by Ali jaamac
Masuul hore uga goostay Somaliland oo ciidanka qaranku ku qabteen hawlgalka ay ka fuliyeen degaanno kooxda Cali Khaliif isku urursatay
Laascaanood (Jam)- Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fallaagada kooxda Cali Khaliif Galaydh kaga daba tagay degaanno xadka ka baxsan oo ku yaal gudaha Itoobiya, kuwaasoo ku hawlanaa abaabul dagaal ka dhan ah Somaliland.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in ciidanka qaranku hawlgal ka fuliyeen degaan gudaha Itoobiya ah, loona yaqaan Dooxada Eerigo oo madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo-saaray Cali Khaliif Galaydh, kadib markii ciidanka qaranku fashiliyeen xaflad ay doonayeen inay magaalada Saax-dheer ku qabtaan maalintii Khamiista.
Ciidanka-Qar-suug
Sida ilo-wareedyadu tibaaxeen, waxa Ciidanka Qaranku ku guulaysteen in hawlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Eerigo ku qabtaan maxaabiis uu ku jiro maayirkii hore ee magaalada Laascaanood Kaye Maxamuud Xaaji Xuseen (Tungub) oo hore u sheegay inuu ka goostay Somaliland, kuna biiray fallaagada Khaatumo, kaaasoo hadda gacanta ugu jira dawladda isagoo maxbuus ah.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka qaranka iyo xukuumadda Somaliland oo lagaga hadlay hawlgalka ay ka fuliyeen degaanka Eerigo iyo xidhiidhka ay arrintaas kala sameeyeen dawladda Itoobiya.
Hasayeeshee, waxa jira xidhiidh dhinaca iskaashiga amniga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo fuddudeeya in labada dal iska kaashadaan wixii khatar ku ah amniga iyo xasilloonida, sidaas darteedna aan la ogolayn in koox ama shaqsiyaad duulaan ku ah nabadgelyadda ay ka hawlgalaan gudaha xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa fashiliyey xaflad la doonayey in madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo-saaro Khali Khaliif magaalada Saax-dheer oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, tallaabadaasoo sababtay in Cali Khaliif iyo kooxdiisu u baxsadaan degaanka Toga Eerigo oo ku yaal gudaha Itoobiya, balse, waxa la xaqiijiyey in aannu siyaasigaas fidno wadaha ah hadda ku sugnayn degaankaas, lamana oga dhinaca uu uga baxsaday xilligan.
Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
Ethiopia and Somaliland agreed that somaliland can carry out operation on the side of the Ethiopian border to secure peace and tranquility in the region
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
DAWLADDAHA SOMALILAND IYO ITOOBIYA OO KA WADAHADALAY ADKAYNTA AMNIGA XUDUUDKA LABADA DAL U DHEXEEYA
September 2, 2014 - Written by Ali jaamac
Wasiirka Daakhiliga oo Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa ku tilmaamay calooshooda u shaqaystayaal u adeega basaasiin fadhigoodu yahay Nairobi iyo Xamar
“Itoobiya waa waddan aynnu daris nahay oo Somaliland way ixtiraamaysaa xuduudkeeda, iyaguna way ixtiraamaan xadkeenna, kumana soo xadgudbaan, innaguna kuma xadgudubno”
Wasiir Cali Warancadde
Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay inay dawladda Itoobiya kala hadashay dhibaatooyinka nabadgelyo-darro ee kooxda fallaagada Cali Khaliif Galaydh ka wadaan degaanno ku yaal xuduudka labada dal wadaagaan.
Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde oo shir-jaraa’id ku qabtay dhismaha xarunta cusub ee wasaaraddiisa shalay, ayaa sheegay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal ku tegay dhowaan magaalada Addis Ababa ay dawladda Itoobiya u gudbiyeen cabasho dhan ka ah falalka amni-darro ee fallaagada Cali Khaliif oo gabbood ka dhigta degaanno ku yaal gudaha xadka Itoobiya iyo saamaynta arrintaasi ku yeelan karto ammaanka guud ee xadka labada waddan, isagoo xusay in labada dal ka wadahadleen adkaynta amniga xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
maxamed biixi iyo warancadde
“Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya iskaashi aad u weyn oo dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga iyo siyaasaddaba ah. Weftigii aannu aniga iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku tagnay Addis Ababa waxyaabaha ugu muhiimsan ee aannu dawladda Itoobiya ka wadahadlay waxa ugu horreeyey nabadgelyada iyo sidii dawladaha Somaliland iyo Itoobiya iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta ammaanka xuduudka labada dal, waxaanuna isla qaadannay in gacan bir ah lagu qabto cid kastoo isku dayda inay nabadda iyo xasilloonida degaannada ku yaal xuduudaha,” ayuu yidhi.
Md. Warancadde oo la weydiiyey inay dawladda Itoobiya ku qanciyeen in ciidammada Somaliland gudaha dalkooda kula dagaallamaan kooxda fidno-wadayaasha ah ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cali Khaliif Galadh oo madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo saaray tuulo ku taal gudaha xadka Itoobiya, kadib markii ciidanku qaranku ka saareen tuulada Saax-dheer ee Gobolka Sool horraantii toddobaadkan, waxa uu ku jawaabay, “Horta waddamada adduunka oo dhan way ixtiraamaan xuduudaha u dhexeeya oo dalna kuma xadgudbo gudaha dal kale, Itoobiyana waa waddan aynnu daris nahay oo Somaliland way ixtiraamaysaa xuduudkeeda, iyaguna way ixtiraamaan xadkeenna, kumana soo xadgudbaan, innaguna kuma xadgudubno. Itoobiya waa dal aynu aad isugu dhawnahay oo aynu iska kaashanno dhinacyada nabadgalyada, ganacsiga iyo horumarka, sidaasi darteed mar kasta waxaannu leenahay kulamo joogto ah, marka wax jiraana waanu ka wadahadalnaa, xuduudda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya way dheertahay, markaa [safarkayagu] waxa uu ka mid ahaa hawlihii aannu marwalba u tagi jirnay iyo sidii loo adkayn lahaa amniga xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan, Itoobiya ma oggola in dad fidno-wadayaal ah gudaha dalkooda ka soo abaabulaan falal liddi ku ah amniga Somaliland.”
Waxa kaloo Wasiirka Daakhiligu ku tilmaamay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisaba calooshooda u shaqaystayaal u adeega basaasiin fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaannu yidhi; “Saax-dheer waa magaalo ku taal Somaliland, laakiin Cali Khaliif iyo qayrkii kale ee Somaliland ah oo Xamar iyo meelahaas ka ugaadhsada anigu waxaan u aqaanaa inay yihiin niman calooshooda u shaqaystayaal ah oo u shaqeeya basaasiin joogta Nairobi iyo Xamar oo ay ka mid tahay maamulka Xamar, qolooyinkaasi oo had iyo jeer doonaya inay u maleegaan Somaliland dhibaato aynaan ka galabsan iyo in kharbudaadi ka dhacdo Somaliland ama ay la mid noqoto Soomaaliya.
Haseyeeshee, waynu ka guulaysanay, waanaynu ka guulaysan doonaa, laakiin anigu uma arko wax Somaliland dhexyaal ee shacabka Somaliland waa mid oo colaad iyo fool-xumo ku dhex jirtaana ma jirto.”
-
- SomaliNet Super
- Posts: 17681
- Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
- Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
Trust me man, this biixi guy is very weak he should be removed as soon as possible. silaanyo should bring been bidaarle back to his cabinet.
- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
If true this is the best news of the year. We hunt inside Ethiopia. I really wanna join ciidanka now
-
- SomaliNetizen
- Posts: 722
- Joined: Fri Mar 07, 2014 8:08 am
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
Qudhmis has no shame yesterday mother England was protecting them now mother Ethiopia kkkkk always a Qudhmis
- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
^u look like a decent dude ayaamahan waad qooqday sxb, ma gabadhii baa kuu duday?
-
- SomaliNetizen
- Posts: 722
- Joined: Fri Mar 07, 2014 8:08 am
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
I am not horny
I am good looking and the girls loves me
Viva Khaatumo state



Viva Khaatumo state


Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
Ma anaka terrorist noqonay? Waxaan idin leeyahay rag ma kale adkaa, ee way il horeeyan.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 17681
- Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
- Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
one man's freedom fighter is an other man's terrorist. bahararsame should not waste their blood for daanyeer galaydh.
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
I doubt this is true ....but if it is, this is news I welcome
We cannot have the khaatumo lot plotting the fall of our country from
Foreign soil.
Although they can always plot from Somalia if itoobiya becomes closed for them


We cannot have the khaatumo lot plotting the fall of our country from
Foreign soil.
Although they can always plot from Somalia if itoobiya becomes closed for them
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
We will spare every resource to defend our soil, our hand was forced. Galayr is our pres, like Silanyo is yours. Remember Silaanyo was once chased into Ethiopia while be inaugarated as the gudoomiye of SNM...Rag waxan way soo wada mareen.theyuusuf143 wrote:one man's freedom fighter is an other man's terrorist. bahararsame should not waste their blood for daanyeer galaydh.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
Abdikarin its true it has been confirmed Ethiopia backs SL in this it has instructed the Harar command to ckosely monitor the SL Ethiopia border with sl troops
Garad anti u guys have chosen to be terrorist wax a Omaha we have to get rid of the bahararsame cell. Than we win u can't go to. Garowe either
Though very sad I expected more from galaydh a man of his caliber to fight for sub sub sub sub clan politics went from pm to running for parliament speaker to mp to elected president of saaxdheer
U can't compare snm with khatumo. Snm was peoples movement that shaped the Goa very democratic efficient. And it fought against injustice and equality.
Garad anti u guys have chosen to be terrorist wax a Omaha we have to get rid of the bahararsame cell. Than we win u can't go to. Garowe either
Though very sad I expected more from galaydh a man of his caliber to fight for sub sub sub sub clan politics went from pm to running for parliament speaker to mp to elected president of saaxdheer
U can't compare snm with khatumo. Snm was peoples movement that shaped the Goa very democratic efficient. And it fought against injustice and equality.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 17681
- Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
- Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas
Re: Somaliland Ethiopia in ful agreement over the terrorists
Xaqiiqatan dhulbahante laba nooc uunbaan sharfaa ka si dhiba iila socda iyo ka si dhaba iiga soo horjeeda. i have no respect for flip flopers. galaydh iyo wixii raacaba waxba ula hadhi mayno birtaanu ka aslaynaa. ama isagaa guulaysan oo somaliland oo dhanbaa xamarbaa la hoosgeynayaa ama anagaa guulaysan oo dalku sidaasuu ahaanayaa. dhankii kuu fudud raac labaclabac iyo beerka jecli xaydha jecli ina kala wadi mayso.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1476 Views
-
Last post by Based
-
- 0 Replies
- 1741 Views
-
Last post by Coeus
-
- 10 Replies
- 819 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 25 Replies
- 1582 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 21 Replies
- 1877 Views
-
Last post by luis1
-
- 1 Replies
- 519 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 678 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 8 Replies
- 1029 Views
-
Last post by EmirCali
-
- 4 Replies
- 687 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW