Waxaa isi soo taraya wararka kasoo baxaya qarax weyn oo maanta ka dhacay degmada Lafoole kaasoo lagu gubay mid kamid ah gaadiidka ciidamada shisheeye oo ay saarnaayeen saraakiil sar sare oo cadaan ah.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in gaariga la qarxiyay ay saarnaayeen shan sarkaal oo afar kamid ah yihiin Mareykan midna uu u dhashay dalka koofur Afrika.
Sarkaal ka tirsan xafiiska war faafinta Xxarakada Mujaahidiinta Aal-Shabaab ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa gaarigan lagu gubay loo adeegsaday weerar naf hurnimo ah.
Waxaa camaliyadda ku dhintay shanta sarkaal, iyadoo ay xusid mudan tahay in midi uu ahaa Janaral Mareykan ah oo saameyn badan ku lahaa dagaalada ciidamada shisheeye.
Markii weerarkan uu dhacay ayaa waxaa ciidamada shisheeye usoo gurmaday askarta sirdoonka ah ee Alfa kuwaasoo iyaguna lagu galay weerar kale oo naf hurnimo ah, waxaana jira khasaare aad u badan oo ciidamada Alfa iyo saraakiishooda soo gaaray.
Ciidamada shisheeye ayaa dad shacab ah ku ciil baxay markii labadan dharbaaxo ay ku dheceen waxayna dileen dad kor u dhaafaya toban ruux oo ay haween ku jiraan.
Wixii faah faahin ah waan soo gudbin doonnaa insha’allaah. (184)

