Page 1 of 1

ONLF VS TPLF

Posted: Thu Sep 11, 2014 5:42 am
by xaliye123
War si hordhac ah usoo gaadhay Warbaahinta ayaa sheegaya in sadax xubnood oo isugu jira masuuliyiin xil ka haya Kenya iyo ganacsato ay gaadheen magaalada London si ay dib ugu furaan wadaxaajoodkii dhicisoobay ee u dhaxeeyay ururka ONLF iyo Dowlada Ethiopia.

Sadaxdan xubnood ayaa magacyadooda naloogu kala sheegay Maxamed yuusuf Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan aqaolka sare ee Kenya(House of senate), ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Affey iyo ganacsade Saylici.

Wararku waxay sheegayaan in xubnahan ukala dab qaadayaan dowlada Ethiopia iyo madaxda ururka ONLF oo badankood London ku sugan ayna la kulmi doonaan madaxda ururka.

Xubnahan ayaa ah xubnihii horay uga shaqeeyay qabsoomidii kulankii kal hore ONLF iyo Ethiopia ku dhexmaray magaalada Nairobi ee fashilmay marka laga reebo hal xubin.

Labadan dhinac ayaa ku kala kacay kulankii ugu dambeeyay ee Nairobi kadib markii dowlada Ethiopia ay shardi ku xidhay sii socoshada wadahadalka kaas oo ahaa in marka hore ONLF ay aqoonsato ama ictiraafto dastuurka Ethiopia kaas oo Jabhadu ka biya diiday.

Lama oga waxa keenay dhaq dhaqaaqan cusub balse laba midkoodba waa suura gal in Jabahadu mowqifkeedii hore wax iska badalay iyo in isbadalka ka dhex socda xisbiga EPRDF/TPLF uu sababi karo in wado cusub loo maro soo xera gelinta ururada mucaaradka ku ah dowlada Ethiopia ha noqdaan kuwo hubaysan iyo kuwo aan hubaysnaynba.

X/dhanaan Media





Warkan Maxaa Ka jira.

Re: ONLF VS TPLF

Posted: Fri Sep 12, 2014 3:07 am
by EEGA9
Sulub iyo Ali marka lasoo celiyo umbay wadahadal bilaaban.

Re: ONLF VS TPLF

Posted: Fri Sep 12, 2014 3:32 am
by thegoodshepherd
EEGA9 wrote:Sulub iyo Ali
They will never be the same, even if they are released.
The amxaar are professional when it comes to torture.
Alle haa oo garab gaalo, waa raag dadkooda oo istaagay