Page 1 of 1

Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 11:37 am
by Khalid Ali
Turki wata Basaboor Diblomasi Soomaali oo Bulgaria qabatay (Safaradda Turkey oo ku lug yeelatay)

September 11, 2014




167Like


6Tweet


1+1





PasportDiblumasi_TUrki
Dowladda Bulgaria ayaa gacanta ku dhigtay bishan September 01, nin ka ganacsada Daroogada, una dhashay dalka Turkiga, kaasoo watay Baasaboor Diblomaasi Soomaali ah iyo warqad magacaabid ah oo sheegeysa inuu yahay Qunsul Sharafeed dowladda Soomaaliya uga wakiil ah gobolo ku yaala dalka Turkiga ( Honorary Consul).

Ninkan oo magaciisa ku sheegay CENGIZ DUMAn NIYAZI ayaa lagu qabtay garoonka magaalada Sofia ee dalka Bulgaria, iyadoo waaxda socdaalka dalkaasi ay ninkani su’aalo weydiiyeen xabsigana u taxaabeen kadib markii ay ka shakiyeen, midabkiisa, luqadiisa iyo Baasaboorka Diblomaasiga ah ee uu wato.
Ninkan ayaa wata Baasaboor Numberkiisu yahay D-00003264, waxaana la bixiyay taariikhdu markay aheyd March 19, 2014, iyadoo laga bixiyay magaalada Muqdisho, balse ay u dalabtay safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara, Turkey.

Ninkan ayaa sidoo kale u sheegtay waaxda socdaalka ee dalka Bulgaria inuu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan dowladda Soomaaliyeed, saddex gobol oo ku yaala dalka Turkiga, oo kala ah Adana, Gaziantep, iyo Diyarbakir, isaga oo tusay cardka aqoonsiga iyo warqad magacaabid ah oo ay u sameysay safaaradda Soomaaliyeed ee Turkiga, fadhigeeduna yahay Ankara.

Warqadan magacaabida ah ee uu sito ninkan ayaa inoo suurtagashay inaan helno, waxaana tixraaceedu yahay sidan REF:Somemb/4031/2014. kuna taariikheysan 10/03/2014.

Halkan hoose ka eeg warqada magacaabida Mr. Cengiz ee ( Honorary Consul)
_____________
appointment letter
Amb. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
Warqadan ayaa ka baxday xafiiska Safiirka Safaaradda Turkiga ee Ankara, Mr. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxayna ku socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, taasoo lagu ogeysiinayay in loo magacaabay Mr. Cengiz Duman Niyazi, inuu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan dawladda Soomaaliya gobolada kala ah Adana, Gaziantep, iyo Diyarbakir (Honnorary Consul of Adana, Gaziantep, and Diyarbakir.

Haddaba, waa kuma ninkan Mr. Cengiz Duman Niyazi,?

Daba-gal madax banaan oo aanu sameynay ayaanu ku ogaanay in ninkan Cengiz Duman Niyazi uu ka tirsanaan jiray ciidanka Boliiska ee dalka Turkiga, gaar ahaana kuwa la dagaalanka Tahriibta iyo Daroogada, kaasoo markii dambe xiriir la yeeshay kooxaha ka ganacsada Daroogada, sidaasi owgeedna dawladda Turkiga ay ka eriday shaqada Boliiska, isla markaana ku dartay liiska dadka ka shaqeysta ganacsi sharci daro ah.

Ninkan ayaa markii lagu helay dembiyadaasi la xariira inuu ku xiran yahay kooxaha ka ganacsada Daroogada ee dalka Turkiga, waxaa marar badan loo taxaabay xabsiga isaga oo muddo kadib markii uu xabsiga ka soo baxay saaxiib dhow la noqday nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) kuna magacaaban Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Turkey, Ankara.

Ninkan lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa saaxiib dhow la noqday ninkan lagu magacaabo Mr. Cengiz Duman Niyazi waxayna wada galeen heshiis ah in Mr. Cengiz loo magacaabo Qunsul Sharafeed ka wakiil ah Safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara, taasoo u suurtagelineysa in Boliiska Turkey aaney ku dhiiran inay baaraan gaarigiisa iyo shaqsiyan isagaba, maadaama uu jiro axdigii Viana (Vienna Convention on Diplomatic Relations of 1961), taasoo qodob ka mid ah uu dhigayo in Diplomaasiyiinta aan lagu xadgudbi karin, maadaama ay leeyihiin maamuus gaar ah (Immunity).

Mr. Jamac iyo Mr. Cengiz

Mr. Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa arrintan ka dhaadhiciyay Safiirka dalka Turkiga u fadhiya dawladda Soomaaliya Mr. Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan, waxaana isla markiiba loo sameeyey warqad magacaabid ah oo dhigeysa in Mr. Cengiz uu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan Soomaaliya goboladaasi aan kor ku soo xusnay, waxaana sidoo kale safaaradda Turkigu ay u sameysay Baasaboor Diblomaasi ah (Diplomat Passport), waxayna arrintani sahashay in ninkani uu isaga kala goosho dhamaan dalalka ku xeeran Turkiga ee la isku yiraahdo Balkans countries, sida Greece, Albania, Macedonia, Bulgaria, Romania, rump Yugoslavia (Serbia and Montenegro), and Bosnia Herzegovina, waxaana ninkani uu caan ka noqday dalalkaan.

Ninkan ayaa la aamisan yahay inuu yahay ninka ugu caansan ka ganacsiga Daroogada ee dalka Turkiga iyo dalalkan Balkans-ka, waxaana u sahlay howlwadeenada safaaradda Turkiga oo San-dareerto yar ka qaadan jiray ninkan si uu ugu qaraabto magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed si sharci darro ah.

Dawladda Bulgaria ayaa markii ay qabatay ninkan, waxay warqad qoraal ah u soo dirtay safaaradda Soomaaliyeed ee Moscow, Russia, iyada oo ka codsaneysa inay soo kala xaqiijiyaan in ninkani uu ka tirsan yahay shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda, maadaama uu sito Baasaboor Diblomaasi Soomaali ah isla markaana wato warqad magacaabis inuu yahay Qunsul Sharafeed Soomaaliyeed.

Qeybtan hoose waxaad ka arki kartaa qoraal kooban oo aan idiinku turjunay English asal ahaana ku qoran Bulgarian language
Translation

Weli nooma suurtogelin inaan helno jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, balse waxaa inoo suurta-gashay inaan helno warqada ay soo dirtay Wasaaradda arrimaha dibedda Bulgaria oo ay kaga codsaneyso Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya inay soo kala cadeeyaan in ninkani uu ka tirsan yahay shaqaalaha Wasaaradda. nasiib darro waxaa kale oo jirta warqad (official letter), oo ku qoran luqada Bulgaria, taasoo aysan inoo suurtagelin inaan u helno Turjuno, maadaama ay ku diyaarsan tahay PDF file, isla markaana Scan lagu soo qaaday.

Halkan ka eeg Warqada ka timid dalka Bulgaria ee ku socota W. A. Dibedda Soomaaliya
______________
BulgariaCOpyPass

Arrinta xusida mudan ayaa ah in fadeexadan oo aan ugu magac darnay (Fadeexadii Qarnigan), ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dawladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Bayleh uu dadaal xoogan ugu jiro sidii uu dib u dhis iyo kala huf ugu sameyn lahaa dhamaamba howlwadeenada Safaaraddaha oo intooda badan aan lagu soo xulin (Qualifications), waxaana sidoo kale uu ku howlan yahay Wasiirku sidii uu u xiri lahaa qaar ka mid ah safaaraddaha aan muhiimada u laheyn dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay ka howlgalaan shaqaale aanu tababar-neyn Diblomaasiyadda, balse ku tuugsada dawladdaha caalamka magaca iyo calanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli Wasiirka arrimaha dibedda Mr. Bayleh uu ku howlan yahay xakameynta bixinta/samey-sashada Baasaboorka siyaasiga ah (Diplomatic Passport), waxaana jira sharci la marsiiyay golaha Wasiirada kaasoo qeexaya cida xaqa u leh heysashada Baasaboorka Diblomaasiga ah, waxayna tani oof wareen ku noqoneysaa qorshaha Mr. Beyleh ee xakameynta Baasaboorka maadaama ay heystaan dad aan Soomaali aheyn oo dano badan u adeegsada, sida Argagixiso iyo Daroogo.

Dhanka kale, arrintani waxa ay dharbaaxo xoogan ku tahay siyaasada guud ee dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo markii ugu horeysay ee la doortay khudbadii uu Baarlamaanka ka hor aqriyay ku sheegay in dawladdiisu aaney dulqaad u yeelan doonin Musuq-maasuqa lana dagaalami doonto (Zero tolerance for corruption), waxaana laga dhowrsugayaa tallaabada ay ka qaadaan fadeexadan qaran, ee qatarta ku ah jiritaanka Qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Dr. Bashir Ali (Lowyan)
Freelance Journalist
Istanbul, Turkey
E-mail: bashiraliloyan@gmail.com

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 11:49 am
by Xildiiid
Walaweyns Image


These people never cease to amaze me.

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 11:56 am
by Hodan94
:lol: are they serious, why do walaweyne always blow their chances up. now no ones gonna trust their new passports.

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 11:57 am
by blizzard90
why do you guys make thousands of topics about us each day.??

are we the only thing in your mind.??

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 12:00 pm
by theyuusuf143
xildiid

markay gif culusaw iyo cabdi weli soo samaystaan baad siiyaabi kkkkk. ninkaas turkishka ah waa risk taker .

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 12:22 pm
by Xildiiid
Yuusufow delusions bay ku wada jiraan, waana noocan oo miidhan :arrow: Image

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 12:36 pm
by grandpakhalif
Whats sad is these people cant travel without getting Somalia passport yet are bashing 'wanlaweyn' (a small village in Shabeelaha Hoose)

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 1:27 pm
by theyuusuf143
grandpakhalif wrote:Whats sad is these people cant travel without getting Somalia passport yet are bashing 'wanlaweyn' (a small village in Shabeelaha Hoose)
Jawaan iyo sooraan baa kutegay UK,

[youtube]zeolQd4MnNQ&[/youtube]

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 1:40 pm
by Khalid Ali
Grandpa I thought u were a jihadist since when do u Care about Turkish cartel and walanweyns cooperating lol

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 7:37 pm
by Khalid Ali
Hodan94 wrote::lol: are they serious, why do walaweyne always blow their chances up. now no ones gonna trust their new passports.
Hodan yarey u don't understand wallows. They will do everything for money everything has a price

Meeqa waaye they say lol

Ninkan turkishkq ka fara qqbsaday ka safaraada na xoogaha bu heley

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Thu Sep 11, 2014 9:21 pm
by DR-YALAXOOW
theyuusuf143 wrote:[¨¨

[youtube]zeolQd4MnNQ&[/youtube]
while this two niggars were in Uk why could not they fix their Rotten brown disgusting teeths... or JAALIYADA ictiraafland help them to visit Dentist..

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Fri Sep 12, 2014 4:19 pm
by TheblueNwhite
blizzard90 wrote:why do you guys make thousands of topics about us each day.??

are we the only thing in your mind.??
They love us. :som: Simply put.

Re: Walanweyn govt gives Turkish drug lord a Somali passport

Posted: Fri Sep 12, 2014 4:58 pm
by GIJaamac
False news. Confirmed by Gaafow. The alleged passport that the turkish guy had was the old passport belonging to a somali person.
Someone edited the passport with the turkish man's picture and data.

[youtube]Jzx_yo3KiV0&list[/youtube]