Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 Xasan Sheekh Max

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 Xasan Sheekh Max

Post by THE_TRUTH1 »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cadeeyay inuu yahay musharax u taagan doorashada sanadka 2016
by A M | Thursday, Sep 11, 2014 | 2398 views




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ka qeyb galayay Barnaamij dood ah oo ku saabsaneyd waxqabadka dowladda mudadii labada sano ee ay jirtay, kaasoo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage, waxaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray, aqoonyahano, siyaaiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Doodan oo si toos ah uga baxeysay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa Madaxweynuhu ka hadlay arrimo badan oo jawaab ahaa su’aalo laga weydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha bulshada.

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal aheyd inuu yahay musharax ayaa sheegay inuu yahay Musharax u taagan doorashada 2016, sida muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu musharax u yahay, isagoo cadeeyay in hadii laga guuleysto uu diyaar u yahay inuu wixii qibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorto.

“Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 doorashada dhici doonta, sida muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu musharax u yahay, hadii la iga guuleystana waxaa diyaar u ahay inaan wixii khibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorta”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu mar kale xafiiska ku soo laabto.
zaki87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 661
Joined: Sun Jun 09, 2013 5:05 pm

Re: Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 Xasan Sheekh

Post by zaki87 »

Gt th fuck out dheh.dameeralayda aarahay was
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”