MP Jurile returns home

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Righteous
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2166
Joined: Wed Jun 04, 2014 8:21 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

MP Jurile returns home

Post by Righteous »

Image

(Pi Boosaaso) Xildhibaan Cabdirsaaq Cusmaan Jurille oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Xildhibaan Jurille ayaa fasax iyo howlo shaqo ku maqnaa markii madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu wadatashi ugu yeerayay xildhibaanada ujoogo federalka ee ku jira barlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa haatan uyimid Puntland sidii uu wadatashi uu la sameyn laha madaxweynaha iyo golaha xukuumada, Waxaana la filayaa inuu soo gaaro Garowe maalmaha soo socda.
Righteous
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2166
Joined: Wed Jun 04, 2014 8:21 am
Location: Somalinet boycott by Puntites in effect 24/12/14

Re: MP Jurile returns home

Post by Righteous »

Beesha Dashishe elite throw a dinner party for MP Jurille 8-)




Image
Xildhibaan Proff.C/risaaq Cismaan Xasan (Juurile) oo Qado Sharaf Loo Sameeyey(Sawiro).



Ganacsade Xaaji Cabdiladiif Yusuf Barre oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanada Puntland Kuwooda ugu Dhaqaalaha Badan ayaa Qado Sharaf u Sameeyey Xildhibaan C/risaaq Cismaan Xasan(Juurile) oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Kasoo Jeeda Deegaanada Puntland Gaar ahaan Gobolada Karkaar iyo Bari.

Kulanka Qado Sharafta ah ayaa Waxa Ganacsade C/ladiif Ku Weheliyey Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Dr.C/laahi Jaamac Saalax ,Sharmaarke Ugaas Yaasiin ,Dr.Axmed Bulxan,Eng.Yaasiin Mirre Maxamuud Dacar iyo Ganacsade Cumar Ismaaciil Waaberi oo dhamaantood kasoo wada jeeda Beesha Xildhibaanku ka dhashay.

Kulankan Qado Sharafta ah ayaa Ujeedkiisu ahaa Is Xogwaraysi ku Saabsan Deegaanada Deegaanada Beeshu Degto iyo Weliba Guud ahaan Wacyiga ka jira Deegaanada Puntland oo Horaantii Sanadkan uu ka dhacay Isbedel Xoog Leh.

Xildhibaan C/risaaq Cismaan Xasan ayaa Deegaanada Puntland waxa uu u yimid Wadatashi uu la yeelanayo Beelaha uu Xildhibaanka u yahay iyo Weliba Dhex dhexaadinta Khilaaf Ba”an oo ka dhextaagan Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland,iyadoona la rajaynayo in Khilaafka Labada Dhinac uu Proff.Juurile soo Afmeeri doono Maadaama uu yahay Masuul Ruug cadaa Siyaasadeed ah.

Kulankan Shaqo Sharafta ah oo Saacado Badan qaatay ayaa kuwoo dhamaaday Jawi degan,iyadoona Xogo badan oo Muhiim ah la isweydaarsaday.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”