This is all from a Hutu website btw;
"Warar ay heshay Warbaahinta Warfidin.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid maanta loo diiday in uu ka dago Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee ku yaala Dhanka Koofurta Magaalada oo Maamulka Galmudug uu dhisay Dhawaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Amray in C/qeybdiid Diyaarad wada aysan ka dagi karin Garoonka Diyaaradaha Maamulka Galmudug,Diyaaradii ka degtana aysan ka dagi karin Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo hada uu Gacanta ku hayo Maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in Saaka Magaalada Muqdisho Cabdi Qeybdiid ay Diyaarad ka qaaday islamarkaana ay dhax ka soo laabatay,kadib markii lagu Wargaliyay in Garoonka aysan ka dagi karin.
Cabdi Qeybdiid oo la hadlay Radio Galmudug ayaa sheegay in ay jiraan Arrinta ku aadan Hadalka Puntland ee ay ku diiday in Diyaarad ay ka soo degto garoonka Galmudug,balse arintaasi ay hada Xalkeeda ku jiraan Madaxweyanaha Soomaaliya iyo Nikalos Kay."
