
Wada hadalkii oo guul ku soo dhamaaday
Ergadii Maakhir iyo Dawladda Puntland ayaa si fiican isugu afgartay wada hadaladii ku dhex maray Madaxtooyada Puntland.
Ergadii uu hogaaminayey Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan oo dhowaan Madaxtooyada Puntland kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabadiweli Cali Maxamed Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa wadahadaladoodii waxay noqdeen kuwo guul ku soo dhamaaday oo qodobo lagu heshiiyey ay ka soo baxeen.
Ergada Maakhir ayaa madaxda Puntland u sheegay sababta ay Garoowe u yimaadeen inay tahay, sidii ay u dhisi lahaayeen Puntland xoogan oo ay ku wada midaysan yihiin dhamaan beelihii horay u wada dhistay. Arintan aad ayeey u soo dhoweeyeen madaxda Puntland, waxayna sheegeen in beesha Warsangeli lafdhabar u noqoto dedaalka loogu jiro Puntlandta cusub.
Qodobada hoos ku qoran waaa kuwii laga wada hadalay oo dawladda Puntland aqbashay inay wax ka qabanayso sida ugu dhakhsiyaha badan.
1- Dadkii ka soo barakacay buuraha Calmadow oo degaanadooda dib lagu celiyo , iyagoo halkaa loogu samaynayo deb u dejin iyo guryeen
2- Magaalada Galgala oo degmo loo magcaabo, loona sameeyo dariiq ama jid Beeralayda u fududeeya inay khudaartooda geeyaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Halkaa waxa ka soo baxay Xildhibaanadii beesha uga maqnaa gobolka Bari oo gaaraya sadex.
3- In Dawladda Puntland ay ka qayb qaadanayso dhamaystirka jidaka Ceel Daahir ilaa Ceerigaabo
4- In dekedda Laasqoray noqonayso mashruuca ugu horeeya ee dekedeed oo laga dhisayo Puntland.
5- In awood qaybsiga Puntland ay noqoto mid la mid ah waqtigii Allah ha u naxariisto Cabdulaahi Yuusuf ama ka fiican .
Qodobada dhinaca amniga arimo jira awgood, waa ka gaabsanay inaan ku soo qorno mareegta Allsanaag.