JamalAddow wrote:Somali Attorney-General Says our Territorial Sea is 200 nm based on Law No. 37 of 1972, while the Somali President Says its 12 nm.
So whose right, Mr Attorney-General or Mr President, both from the same gov?
]
your a liar
Here what president said about Somalias territorial sea in front of the Somali parlement
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad dheer.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Baarlamaanka kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin amaanka Dalka, muranka dhinaca badda iyo eedeeyntii dhawaan kaga tmid hay’adda Monitoring Group.
“ Todobaadki hore ayay dowladda diiwaan gelisay biyaha badda Soomaaliya, waxaana biyaha badda uu gaarayaa ilaa 220 Nautical mile” ayuu yiri madaxweynaha.
“ Shalay oo bisha July 21 ahayd ayaan diiwaanka xuduudaha biyaha badda Soomaaliya u gudbinay Qaramada Midoobay, taasoo cabirkeedu tahay 350 Nautical mile”.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay eedeyntii dhawaan uga timid guddiga Qaramada midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereteriya ee Monitoring Group, taasoo ahayd in madaxweynaha uu ku lug leeyahay lunsashada lacag dowladda u taalay dibadda.
Madaxweynaha ayaana arintaasi iska fogeeyay, isagoona sheegay in dowladdu ay guddi usoo xushay inay baaraan lacagaha dowladda dibadda u taala iyo meelaha ay ku baxaan.
http://calankamedia.com/?nid=26523
haddii ay taa kuugu filnaan weyso waa kan more.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in toddobaadkii hore ay dowladdu diiwaangelisay biyaha badda Soomaaliya oo marka la adeegsado halbeegga lagu cabbiro fogaanta biyaha gaaraya 220 nautical mile.
http://www.hiiraannet.com/madaxweyne-xa ... oomaaliya/
and more is here madaxweynaha ka hadlaya badda soomaaliya
http://www.raxanreeb.com/2014/07/madaxw ... -midoobay/