http://puntlandi.com/dhagayso-degmada-t ... e-deegaan/
Dowlada Puntland ayaa ku guulaysatay inay Gole deegaan oo ka kooban 17-xubnood ay u dhisto degmada Tawfiiq,kuwaas oo doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen.
Guddoomiyaha degmada Tawfiiq ee Gobolka Mudug ayaa Golaha deegaanku ay u doorteen Cabdulqaadir Axmed Nuur,halka Guddoomiye ku xigeena loo doortay Maxamed Maxamuud Jaamac.
Inta xulista iyo Doorashaddu ay socotay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Waddi balaaran oo ka tirsan Dowlada Puntland,oo uu hogaaminayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali.
Degmada Towfiiq ayaa ka mid ah Dhulka fog ee Laamiga ka baxsan,waxaana Puntland ay dhowaan u aqoonsatay degmo ka mid ah degmooyinka Puntland.
Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali ayaa sheegay in Wafdiga Puntland ay Kormeer ku tageen deegaano hoostaga degmada Towfiiq oo uu sheegay inay Abaaro ka jiraan,inkastoo buu yiri saacadihii laso dhaafay uu Roob ka da’ay degmada iyo nawaaxigeeda.
‘’Jilaal adag ayaa ka jira,laakiin xalay Raxmadii waa bilaabatay,dhulka Gaari waaga ayuu ka mid ah,Siyaasada Dowlada waxaa ka mid ah in Bulshada goobha fog fog loogu geeyo adeega Bulshada,waxaa ILAAHAY mahadii ah in hadda ay la joogaan Shirkadda PSAWEN iyo Shirkad kale oo Ceel Riig ah qodaysa oo loogu talagalay Bulshada’’Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Dowlada Puntland ayaa hormar balaaran ka samaysay dhismayaasha Golayaasha deegaanka ee inta badan degmooyinka Puntland,waxayna ka mid ah tahay talaabooyinka hormarineed ee ay qaaday Dowlada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” oo jirtay muddo ka yar 1-sano.