Garoowe (PP) Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha ee Magaalada garoowe ee caasimada Puntland kasoo dagtay diyaaradii siday rasalwasaaraha Dowlada Federaalka soomaaliya iyo waftigii uu hogaamiyey.
Waftiga rasalwasaaraha Soomaaliya Cabdwali Sheikh Axmed Maxamed waxaa ka mid ah gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Soomaaliya,wasiiro,xildhibaano iyo sarakiil kale oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Camay Gudoomiyaha barlamaanka,wasiiro,xildhibaano ayaa garoonka diyaaraha garoowe kusoo dhoweeyey rasalwasaaraha Dowlada Federaalka soomaaliya iyo waftigii uu hogaamiyo.
Aqalka Madaxtooyada Puntland ayaa waftigan qado sharaf loogu diyaariyey waxaan halkaasi oo qalabka Warbaahinta kula hadlidoonan.
Faahfaahinta dib ayaa idinka soo gudbindoona iyo sawirada & Cododka











[/quote]
















