17 october is the day of Somaliland martyrs.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

ramzy2277
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2253
Joined: Sat Aug 17, 2002 7:00 pm
Location: from

17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by ramzy2277 »

Hi all,

as we all know that somaliland sovereignty has come with the soul and blood that our heroic SNM fighters give away, the least we can do is to keep their memory alive and spread all over the international media...........lets start by giving a portfolio on our heroes so everybody should know them .

Image

lets start with Muj: Xasan Yoonis Habane, waxa uu ka mid ahaa halyeyada reer Somaliland ee naftooda u huray xorrayntii dalka, isla markaana kaalin mug leh ka geystay dhidibbo-u-taagidda dawladnimada Somaliland.

Marxuum Xasan Yoonis waxa uu ku dhashay Hargeysa sannadkii 1951-kii, dugsiga hoose/dhexe wuxu ku dhammaystay dugsiga Biyo-dhacay ee Hargeysa.

Dugsigii sare ee Farsamada Gacanta ee Burco ayuu ka baxay 1969-kii.

Waxa dalkii Midawga Soofiyeeti loogu diray tababar layli Sarkaal, isaga oo ku soo takhasusay hoggaaminta Ciidammada lugta, waxaannu dalka ku soo laabtay 1971-kii, isaga oo ah xiddigle.

Dhinaca darajada Ciidammada waxa uu ka gaadhay Gaashaanle sare.

Waxa uu ku biiray ururka SNM 1983-kii, oo markiiba ka mid noqday saraakiishii sarsare ee hoggaaminaysay ciidammada Xoraynta SNM.

Horraantii 1984, waxa uu noqday taliyaha Ciidanka SNM ee Laanqeyrta, badhtamihii 1984, oo ku beegnayd xilligii diyaar-garawga guda-galkii ballaadhnaa buuraha waxa uu noqday Guddoomiyaha Guddiga Dagaalka, waxa kale oo uu soo qabtay xilka Taliyaha Qaybta Galbeed.

1987-kii, waxa uu noqday abbaanduulaha ciidammada xorreynta SNM, 1988-kii, oo ku beegnaa gudagalkii hawlgallada waaweynaa ee magaalooyinka waaweyn sida gudo-galkii Burco iyo Hargeysa waxa uu ahaa Taliyihii ciidammada xorraynta SNM.

Markii dalka la xorreeyey horraantii 1992-kii, waxa uu noqday Taliyihii Ciidammada Somaliland xilligii dawladdii Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa kale oo uu laba jeer oo kala duwan loo magacaabay Taliyaha Ciidammada Qaranka xilligii dawladdii marxuun Maxamed Ibraahim Cigaal.
Alleh ha u naxriisto .............Aamiiiiiiiiin

Image
User avatar
jamal9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2972
Joined: Tue Jul 02, 2013 2:41 pm
Location: Life is a bitch then you become one

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by jamal9 »

:sland: :up:
User avatar
Brigadier12
Posts: 102
Joined: Sun Sep 14, 2014 8:25 pm

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by Brigadier12 »

Taariikh-nololeedkii Maxamed
Xaashi Diiriye (Lixle)
by boobe yuusuf

Image
[youtube]U-aKXwbAtT8&[/youtube]
Maxamed Xaashi Diiriye oo loo
yaqaannay Lixle, wuxu ka mid
yahay geesiyada ugu caansan ama
ugu magaca dheer SNM. Qof ahaan
markii noloshayda ugu horreysay ee
aan arkaa ama la kulmaa waxay
ahayd intii lagu jiray halgankii
hubeysnaa ee SNM, gaar ahaan
bishii Juun sannadkii 1983kii ee uu
soo tallaabay ee uu sida tooska ah
ugu soo biiray halgankii hubeysnaa
ee ka socday tallowga xuduudda
aynu Itoobiya wadaagno. Intii
muddadaa ka horreysay si
qarsoodiya ayuu uga hawl-geli jiray
dalka gudihiisa.

Maqal ahaan waxa iigu horreysay
xilliyadii uu socday dagaalkii
Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii
oo uu deggenaa magaalada Gebilay
isaga oo Taliye ka ahaa Teknikadii
iyo Taangiyadii dagaalkaa ka qayb-
qaadanayay.
Waxaan jeclahay in aan anna
culayska iska rido oo aan fursaddan
Xuska 30-Guurada uga faa’iidaysto
in aan wax aan sidaa u sii badnayn
ka idhaahdo saaxiibkaygii aanu
halgan-wadaagta ahyn ee aanu
muddada aan badnayn ku wada
sugnayn goobihii uu ka socday
halgankii hubeysnaa ee SNM.
Inta aanu goobaha ku wada
sugnayn waxay ahayd oo keliya
Bishii Juun 1983kii ilaa maalintaa
uu shahiiday ee 17/10/1984kii.

Intaas oo keliya ayay noo ahaydba,
haddana sannadkaasi waqti badan
ayuu la macne ahaa marka aad
qiimayso kaalintii ma-guuraanka
ahayd iyo tii hoggaamineed ee uu
halgankaa ummadeed ku lahaa.
Sidaa ay tahay waqtigaa gaaban ee
aanu SNM ku wada sugnayn
haddana mar walba isku meel ma
aanu joogin.
Wuxu ahaa nin dhererkiisu dhex-
dhexaad yahay. Ma buurnayn
sidaana weyd uma ahayn. Timihiisu
inta badan waa ay gaabnaayeen
waanay yara adkaayeen. Debinta
hoose ayaa waxoogaa diirku ka
qaadmay oo aad moodaysay in ay
soo caddaanayso.

Ma hadalbadnayn. Ma qosol badnayn. Inta
yar ee uu hadlayo murti iyo wax
kaa qosliyaba wuu ku hadli jiray.
Erey-bixin badan oo SNM-tu lahayd
isaga ayaa loo aaneeyaa. Waxa
ereyadaa ka mid ahaa ”Faqash” iyo
”Jaxafkii”.
Inta badan wuxu qaadan jiray isku
joog ’Jeans’ ah ama ’Shiingee’ qofba
sida uu u yaqaanno. Waa intii u
nala joogay sidaan ku arki jiray.
Kabaha wuxu ka qaadan jiray kabo
aan xadhig lahayn isla markaana
ilaa kuraanta ku jooga oo aan ku
adkayn ee ka yar badan oo haddii
uu u baahdo marka uu iska saarayo
isaga oo aan siibadda furi jirin ee
uu iska dhillin jiray.

Socodka iyo
jimicsiga aad iyo aad ayuu u jeclaa.
Waxaad arki jirtay buur Diri-dhabe
galbeedka ka xigtay isaga oo
subaxda hore fananaya marna ka
soo degaya oo ku jimicsanaya, in
kasta oo uu ahaa suufi Qaad-qamac
ah. Nin salaad sax ah oo aan salaad
salaad ku darin ayuu ahaa. Wuxu
halhays u lahaa marka uu arko wax
ka yaabiya: ”Cidhibtaada ama
cidhibtiinna Alle goo.”
Intan kooban ee aan ka qorayo
saaxiibkay Maxamed Xaashi Diiriye,
Lixle, waxaan tix-raac ka dhigan
doonaa wareysi uu Cabdillaahi
Cukuse ka qaaday Ciise Curaagte oo
ay isku fil ahaayeen Lixle, 1997kii
iyo qoraallo aan ka soo minguuriyay
Mareegta Farshaxan oo qoraal
dheer ka samaysay noloshii iyo
himilooyinkii Maxamed Xaashi
Diiriye, Lixle.


Mareegta farshaxan waxaan ka soo
xigtay:
”Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle ku
caan-baxay wuxu ku dhashay
tuulada Go’da-weyn sannadku markii
uu ahaa 1945kii. Hooyadii waa
ahayd Ardo Diiriye Madar. Maxamed
Xaashi Diiriye wuxu ugu yaraa shan
carruur ah oo ay walaalo ahaayeen.
Ilaa shan jirkiisii ayaa aabbihii oo
Burco deggenaa loo geeyay, halkaas
oo uu yaraantiisii ka bilaabay
malcaamad-quraantii. Lixle waxa loo
bixiyay intii uu malcaamad
Quraantaa ku jiray sida laga soo
xigtay hooyadii mar ay u
warramaysay wargeyska maalinlaha
ah ee Ogaal. Waxay sheegtay in
macallinkii malcaamaddu u bixiyay
Lixle maalin ay lix is-laayeen oo uu
intiiba iska celiyay.

Ciise Curaagte
oo ay Dugsigii Hoose wada bilaabeen
wuxu is-na sheegay in yaraantiisii la
odhan jiray Lixle-daacuun oo uu
ahaa wiil ka soo hoyday ciyaalkii ay
isku gedaha ahaayeen.”
Bal immikana aan magansado
xusuusta Ciise Curaagte oo ka
sheekeeyay sidii uu u yaqaannay
Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle,
waxaanu yidhi:
“Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle,
Ilaahay ha u naxariisto e’, waxaanu
is-barannay sannadkii 1952kii. Waa
sannadkii aanu soo wada gallay
Dugsiga Hoose ee Burco. Waxa lagu
naanaysi jiray Lixle. Isaga oo yar oo
ahayd beryihii uu malcaamad
Quraanka ku jiray ayuu maalin lix
koob oo shah ah cabbay oo mar is-
raaciyay. Markaas ayay ciyaalkii
malcaamadda la dhiganayay Lixle u
bixiyeen. Maxamed Xaashi Diiriye,
waxa beryahaa anu yarayn loo
yaqaannay oo kale Lixle-daacuun.
Wuxu ahaa inan yar oo shidaad
badan oo ciyaalka laaya. Qof la iska
eegi jiray ayuu ahaa.
Dugsigaa Hoose ee Burco markii uu
ka soo baxay wuxu ku soo biiray
Dugsiga Dhexe ee Sheekh. 1959kii
ayuu dhammaystay Dugsigiisii
Dhexe. Waxa loo beddelay Dugsiga
Sare ee Cammuud, 1960kii markii
Dusgsiga Sare ee Sheekh la
dhammeeyayna wuxu u soo wareegay
Sheekh. Dugsiga Sare ee Sheekh
wuxu dhammaystay 1963kii. Xagga
tacliinta wuxu ka mid ahaa
innammada ugu roon.”


Haddii uu dhammaystay tacliintiisii
Dugsiga Sare, muxuu ku danbeeyay
Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle loo
yaqaannay. Aan ka gurno ama ka
rasaynaba Mujaahid korneyl Ciise
Curaagte Xuseen oo ay shahiidka
saaxiib ahaayeen isla markaana ay
wada shaqayn jireen. Wuxu intii
hor ku daray:

“Markii uu dhammaystay tacliintiisii
Dugsiga Sare, wuxu tegay magaalada
Muqdisho. 1964kii ayuu ka mid
noqday xooggii dalka Soomaaliyeed
ama millaterigii. Isla sannadkaas
waxa loo diray Akaademiyada
Taangiyada iyo Gawaadhida
Gaashaaman oo loo yaqaannay
‘Boroolitaangavaya’. Waxa uu soo
dhammaystay isaga oo Laba-xiddigle
ahaa 1969kii, waqtigii Af-weyne
dalka Inqilaabka ku qabsaday wax
yar ka hor.”

Bal immikana aan ka boganno
taariikhdiisii shaqo iyada oo uu
inooga dhici doono saaxiibkii Ciise
Curaagte, waxaanu yidhi: LA SOCO..
Rambie
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5689
Joined: Sat Mar 15, 2014 2:16 pm

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by Rambie »

:rose:
User avatar
jalaaludin5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8832
Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by jalaaludin5 »

ramzy2277 wrote:
Image
AUN.

Image
User avatar
Hodan94
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4931
Joined: Sat Jun 09, 2012 4:16 pm
Location: cirka iyo dhulka dhexdooda.

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by Hodan94 »

AUN TO ALL MUJAHIDS
User avatar
ZubeirAwal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15174
Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by ZubeirAwal »

AUN to our noblemen.
User avatar
waraabe251
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3924
Joined: Fri Jun 13, 2014 3:20 am

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by waraabe251 »

Ilahay janatul firdous ha galiyo mujaahidiinti xoriyada ina siisay
User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by LiquidHYDROGEN »

AUN

Those men were lions. Nothing like the donkeys we have today.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by XimanJaale »

Those men were traitors to the nation. They were internal enemies to the Somali state, I salute the former state for defending the country from these internal enemies just like how they defended the country from the external enemies.
ramzy2277
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2253
Joined: Sat Aug 17, 2002 7:00 pm
Location: from

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by ramzy2277 »

go to hell you and your faqash forester father afweyen.
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17680
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by theyuusuf143 »

XimanJaale wrote:Those men were traitors to the nation. They were internal enemies to the Somali state, I salute the former state for defending the country from these internal enemies just like how they defended the country from the external enemies.

The former faqash state "collapsed" bring culusaw next round :lol:
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17680
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by theyuusuf143 »

Hawlgalkii birjeex

[youtube]6m1yCj-cc2w&[/youtube]

User avatar
waraabe251
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3924
Joined: Fri Jun 13, 2014 3:20 am

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by waraabe251 »

XimanJaale wrote:Those men were traitors to the nation. They were internal enemies to the Somali state, I salute the former state for defending the country from these internal enemies just like how they defended the country from the external enemies.
These men saved somalis from a cuqdad filled tribal dictator and his huge chip on his shoulder. So brave even white south African mercenaries couldn't save big mouth
User avatar
TheGrumpyGeeljire
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3555
Joined: Sun Jan 12, 2014 1:25 pm

Re: 17 october is the day of Somaliland martyrs.

Post by TheGrumpyGeeljire »

AUN,these men are the ones who saved Somaliland.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”