Puntland Cabdiweli Gaas works with alshabaab and Pirates

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Puntland Cabdiweli Gaas works with alshabaab and Pirates

Post by THE_TRUTH1 »

Puntland Cabdiweli Gaas works with alshabaab and Pirates plus corrupt UN Monitor


Image


Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea 'Monitoring Group' ayaa warbixintii ay soo saareen waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcad badeeda iyo inuu xabsiyada kasii daayay dad gacan ku dhiiglayaal ah isagoo adeegsanaya awoodiisa cafis Madaxweyne, kuwaasi oo isugu jira xubno Al-Shabaab ku lug leh, dad gacan ku dhiiglayaal ah iyo burcad badeed.


Warbixintaan ayaa lagu xusey sida Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Suleymaan Yusuf xiriir joogto ah uu ula lahaa kooxda baarayaasha QM ' UN Monitoring Group' balse u joogsadey si-lama filaan ah, kooxdaan ayaa soo bandhigtey sida joogtada ah oo ay isugu dayeen iney xiriir la sameeyaan Madaxweynaha Puntland iyo xafiiskiisa iyagoo raadinaya sidii wax la isaga waydiin lahaa dhaqdhaqaaq-yada ururka Al-Shabaab ee Puntland iyo degaanada ka baxsan.

Khabiirrada ka tirsan kooxdaan ayaa ku qiimeeyey Afar xaladood iney sabab u tahay inuu kordho dhaqdhaqaaqa kooxda Al-Shabaab ee Puntland; "Qabo oo sii daa" siyaasada ah oo uu Madaxweyne Gaas ku dhaqmayo, niyad jabka ciidamada Puntland, kooxda Al-Shabaab oo laga saarey Koonfurta Somalia iyo aqoonsiga ururka Al-qacida u aqoonsadey hogaamiyaha siyaasada kooxda Al-Shabaab ee Puntland ka dagaalanta.

"Sanadkii la soo dhaafey waxaa la hayaa cadeymo sheegaya in kooxda Al-Shabaab si joogta ah u raadineysay sidii ay u dhexgali laheyd ciidamada Puntland." Akhri warbixinta " Puntland kooxda Al-Shabaab waxay kordhiyeen ilaalada ay ku hayaan xarumaha Qaramada Midoobey islamarkaana raadinayaan goobo ay kaga dhuuntaan ciidamada amniga."

Dilka Taliyihii qaybta gobolka Barri

Kooxda QM u qaabilsan la socoshada cunaqabateynta hubka iyo la dagaalanka argagixisada wadamada Somalia iyo Eritreia ayaa warbixintooda ku sheegey in qofkii diley taliyihii qaybta booliska gobolka Barri Cabdiraxman Cali Cabaas " AHN" August 4, 2014 magaciisa la oran jirey Maxamad Abuukar Zubeyr uu qabiil ahaan kasoo jeedey midka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Kooxdaan ayaa sheegtey in ninkaasi cafis Madaxweyne xabsiga kaga soo baxey ama midkamid ah sarakiisha Booliska sii daayey Ciidii Ramadan.

"Madaama uusan cadeyn cidda sii-deysay 'Maxamad Abuukar' lakiin wararka laga helayo dad warqab ah ayaa sheegaya inuu xabsiga kaga soo baxey cafis Madaxweyne, ama Booliska sii daayeen 2014."ayaa warbiixntaan lagu xusey

Waxaa muuqata in Zubeyr uu ka faa'ideysatey maxaabiistii cafiska loo fideyay Eid Al Fitr 2014.

Xirrirka burcad badeedka

Kooxda UN ayaa warbixntooda ku sheegey inuu jiro xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo ugu yaraan Labo qof oo burcad badeed ka tirsan kuwaasoo la kala yiraahdo Cabdiqani Dirie Cabdille iyo Axmad Dirie Cabdille.

Labaadan qof ayaa warbixintaanu sheegeysaa in bartooda Facebook soo dhigeen sawiro cadeynaya xiriirkooda.

Dirie oo loo yaqaan luga Dheere ayaa kooxdaan baarayaasha sheegeen inuu daganaan jirey dalka Imaaraadka Carabta islamarkaana haysto Passaport Ethiopian ah.

Cafis u fidin

Warbixintaan ayaa sheegtey in Ciise Yulux oo ah burcad badeed ku dhuumaaleysta xeebaha fog ee gobolka Barri cafis u fidin laheyd dowlada Puntland oo wakiil ka yahay la taliye Cabdulahi Ciid.

" March 2014, Ciise Yulux waxaa uu saxaafada u sheegey inuu ka baxay burcad badeednimadii islamarkaana dowlada Puntland cafis siisey", heshiiskaan ayaa waxaa ka shaqeeyey Cabdulahi Ciid oo ah la taliyaha Madaxweynaha Puntland xaga arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose.


Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
zaki87
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 661
Joined: Sun Jun 09, 2013 5:05 pm

Re: Puntland Cabdiweli Gaas works with alshabaab and Pirate

Post by zaki87 »

Sheekadan waxaan u aqaan maseer iyo naceeb hakeenaan cadeenta ama niicda iyo sheekada raqiis ka eh yanaan time la iskaga lumin boowe
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Puntland Cabdiweli Gaas works with alshabaab and Pirate

Post by THE_TRUTH1 »

Dilka Taliyihii qaybta gobolka Barri

Kooxda QM u qaabilsan la socoshada cunaqabateynta hubka iyo la dagaalanka argagixisada wadamada Somalia iyo Eritreia ayaa warbixintooda ku sheegey in qofkii diley taliyihii qaybta booliska gobolka Barri Cabdiraxman Cali Cabaas " AHN" August 4, 2014 magaciisa la oran jirey Maxamad Abuukar Zubeyr uu qabiil ahaan kasoo jeedey midka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Kooxdaan ayaa sheegtey in ninkaasi cafis Madaxweyne xabsiga kaga soo baxey ama midkamid ah sarakiisha Booliska sii daayey Ciidii Ramadan.

"Madaama uusan cadeyn cidda sii-deysay 'Maxamad Abuukar' lakiin wararka laga helayo dad warqab ah ayaa sheegaya inuu xabsiga kaga soo baxey cafis Madaxweyne, ama Booliska sii daayeen 2014."ayaa warbiixntaan lagu xusey

Waxaa muuqata in Zubeyr uu ka faa'ideysatey maxaabiistii cafiska loo fideyay Eid Al Fitr 2014.



wow amazing Taliyihii qaybta booliska gobolka Barri not average citizen high ranking officer killed and killer Alshabaab freed :down: :oops:
SomaliDefenceCouncil
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1913
Joined: Sun Sep 08, 2013 7:09 am

Re: Puntland Cabdiweli Gaas works with alshabaab and Pirate

Post by SomaliDefenceCouncil »

I laughed hard when people were just accusing Isaacs iyo Dahabshil behind the bombings in Mogadishu.

The real culprist are the Mj futo weyns, there's like 50, 000 Mj futo weyns living in Mogadishu at the moment, nobody has registered these people, they are the ones who plant the bombs inside restuarants, they also work with the Monitor Group.

Some of them even work inside government offices as SPYS as James Dahl has shown in his website.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”