
Xudunta Dhibaatada Soomaaliya:
Somaliland oo sheeganaysa inay tahay Dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya waxay Heshiisyo kula gashay Shirkado Shisheeye inay Shidaal ka baaraan Gobolka Sool, waxayna dhistay Ciidamo gaar ah oo ilaaliya Amaanka Shaqaalaha baaraya Shidaalka.
Si lamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamulka Puntland ayaa Ruqsad (Licence) siisay Shirkado Ajnabi ah oo Shidaal ka baara Gobolka Sool, oo sidoo kale Maamulka Khaatumo uu sheeganaya Maamulkiisa, ugana digayo Shirkadaha inay halkaasi tagaan.
Somaliland waxay Cabsi ka qabtaa oo Walaac ka muujisay Heshiiskii Garoowe oo uu ku jira in Dowladda Dhexe & Puntland dhisaan Ciidanka Qaran oo weerar kuu qaadi kara ama qalqal gelin kara Maamulka Hargeysa, sida uu sheegay Agaasiimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Osman Dube.
Tartanka Kheyraadka Shidaalka dalka, gaar ahaan Gobolka Sool ee uu dhaxeeya Somaliland, Puntland, Khaatumo & Dowladda Federaalka Soomaaliya.
