Dowlad ku sheeg fight each other, terrorists blow them!
Posted: Sat Oct 25, 2014 10:11 am
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa xalay isku fahmi waayay, kulan ay ka yeesheen isku shaandheyn kooban oo uu Ra’iisul Wasaaruhu doonayay inuu sameeyo, iyadoo Madaxweynaha ka biya diidanaa in xilligan la sameeyo isku shaandheynta.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in labada Mas’uul ay fadhiga ku kala kaceen, kadib markii Madaxweynaha uu ka hor yimid qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee uu is bedelka ku sameynayay qaar ka mid ah Wasiirada, iyadoo uu u arkayay Madaxweynuhu tallaabadan in baalasha looga rifayay.
Isku shaandheyntan oo deg deg aheyd ayaa durba Ra’iisul Wasaaruhu xalay goostay inuu sameeyo, markii ay is afgaran waayeen isaga iyo Madaxweynaha, maadaama Madaxweynuhu markii hore diidanaa inay dhacdo isku shaandheyn ka hor shirka Copenhagen ee dalka Denmark ka dhici doona dhowaan.
Madaxweynaha ayaa doonayay in mar hadii isku shaandheyn ay dhaceyso inay noqoto marka hore mid guud ah oo Wasaarado badan ay saameyso, wajiyo cusubna ay yimaadaan, balse Ra’iisul Wasaaruhu arrin kale ayaa u muuqatay.
Tani waxay ahayd tallaabo la filayay inay dhacdo, marka loo eego shaxda uu u ciyaaray Ra’iisul Wasaaraha oo si macquul ah oo caqli ku wareegsan uu meesha uga saaray mid ka mid ah Wasiiradiisa awooda badnaa, kaasoo la geeyay Wasaarad uusan ku qanacsanayn, laakiin ujeedada saas loo yeelay ay tahay fariin Siyaasadeed oo Madaxweynaha ku socota.
Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir oo ahaa ninka aadka ugu dhowaa Madaxweynaha ayaa lagu bedelay Saalim Caliyow Ibrow oo wixii hada ka dambeeya qabanaya xilka Wasiirka Garsoorka, halka Faaraxna uu heyn doono Xanaanada Xoolaha.
Marka si loo eego Labada Wasaaradood waxba isma dhaaman laakiin dhaqdhaqaaq ahaan ayaa waxaa sareysa Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka, waana Wasaarad miisaan ku leh marxalada hadda taagan.
They fight over pathetic ministers!
When alshabab blows up makka mukarama street.