War Deg Deg ah:-Golaha Xukuumadda Puntland oo shir Deg Deg ah oo ay uga Arrinsanayaan Khilaafka Madaxda Federaalka uu uga socdo Garowe.
Golaha Wasiiradda Dowlada Puntland ayaa galabta shir aan caadi ahayn uu uga furmay Madaxtooyada Puntland ee Garowe,kaasi oo ay uga arrinsanayaan Khilaafka soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Shirka ayaa waxaa shir Guddoominaya Madaxweyne ku xigeenka Puntlan,ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay
Dowlada Puntland ayaa War-murtiyeed kaso saaraysa Khilaafka Madaxda Federaalka,ka dib marka uu shirku soo afmeermo.
Dowlada Puntland ayaa ka mid ah Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaana saamayn ku leh xaaladda Soomaaliya.
Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ayaa yimi saacado ka dib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xusid mudan oin Xildhibaan Cabdullaahi Xassan Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Puntland u matala Federaalka uu maanta ka badbaaday iskuday dil,waxaana Weerarka qorshaysan ee Xildhibaanka uu imayaa xilli khilaafka u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uu Cirka iskushareeray.
Isha ku hay Puntlandi.com,si aad u hesho Warar aadan ka helayn Saxaafadda kale.
http://www.puntlandi.com.