
Warka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug ay si sharci daro ah diyaarad uga dajiyeen Garoonka macmalka ah ee uu baryahaani ka taagnaa Khilaafka Galmudug iyo Puntland.
]Diyaarada%20oo%20la%20sheegay%20inay%20laheyd%20Qaramada%20Midoobay%20ayaa%20waxa%20ay%20ka%20cagadhigatay%20garoonka%20macmalka%20ee%20ku%20yaalla%20Xaafadda%20Baraxleey%20ee%20Koonfurta%20Magaalada%20Gaalkacyo,%20iyadoona%20la%20sheegay%20in%20diyaaradaasi%20ay%20saarnaayen%20Injineero%20ku%20howlanaa%20Indha%20indheynta%20dhismaha%20Garoonka%20macmalka,%20waxaana%20qeyb%20ka%20ahaa%20Saraakiil%20ka%20tirsanaa%20Dowlada%20Federaalka%20ah%20ee%20Somalia%20gaar%20ahaan%20Wasaarada%20Gaadiidka%20iyo%20duulista%20hawada.

Maamulka Galmudug ayaa ka dhaga adeegay amar ay horay Maamulka Puntland ugu mamnuucday isticmaalka Garoonkaasi macmalka.
Sidoo kale Diyaarada ayaa la sheegayaa inay la socdeen Saraakiil ka tirsanaa Hay’ada Qaramada Midooday u qaabilsan Duulista iyo Saadaasha Hawada ee ”ECAO” waxaana socdaalkooda ku wajahnaa si loo qiimeeyo waxyaabaha ka dhimman Garoonkaas Macmalka ah.
Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaa shalay sheegay in Garoonku uu si rasmi ah u furan yahay, islamarkaasina ay isticmaali karaan Diyaaradaha QM iyo kuwa Rakaabka ah, arrintaasi oo laga yaabo inay mar kale dib u soo cusboonaysiiyo Murankii Gaalkacyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com