Aaska waxaa ka soo qayb galay m/weynaha Puntland C/wali Maxamed Cali xubno ka mida golayaasha dawladda iyo wafuud madax dhaqameed u badan uu ka kala timid qaar ka mida gobollada dalka.
Madaxweyne Gaas, wafdiyadii kala duwanaa iyo dadweyne kumanaan gaarayay oo salaada janaasada kula tukaday duleedka degmada ayaa laga warbixiyay taariikhda ugaaska iyadoo dhamaan dadkii janaasadda ka dib hadlay ay sheegeen in ugaas Axmed ka mid ahaa madax dhaqameedka ugu qiimaha badan dalka allana ay uga baryeen inuu janno fardawso ka waraabiyo.
Intii aysan khudbadaha billaaban waxaa si kooban loo dul maray taariikh nololeedka ugaaska, waxaana sidoo kale khudbadaha madaxda iyo isimada furay Cali Ugaas oo dhammaan dadka soo ajiibay aaska Ugaaska ku tilmaamay dad maalinta murugada la qaybsanaya beesha Tanada Daarood oo Ugaasku uu si gaara madax dhaqameed guud uu ugu ahaa.
Isimadii hadlay ayaa dhamaantoodba si kooban u cabiray wanaagii iyo qiimihii ummadda Soomaaliyeed uu ku dhex lahaa Ugaas Axmed waxayna beesha alle uga baryeen inuu mid ka khayr badan ugu badalo.
Isimadii janaasada ka dib ka hadlay waxaa ka mid ahaa.
Islaan Bashiir Islaan C/dille
Islaan Ciise Islaan Maxamed
Ugaas C/laahi Ciise
Caaqil Cabdi-wahaab Maxamuud Guray
Suldaan Maxamuud Maxamed Calas
Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan
Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin
Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo ka yimid dhanka Galmudug
Marka laga soo tago madax dhaqameedka ka kala yimid qaybo ka mida dalka sidoo kale waxaa aaska ugaas Axmed ka soo qayb galay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa m/weynihii hore ee Galmudug Col. Axmed Maxamed Caalim.
Xubnihii dawladda ee ka hadlay aaska ayaa dhankooda muujiyay sida dareenka murugada ay ula qaybsanayaan beesha uu ka dhintay Ugaaska iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Boqor Burhaan boqor Muuse boqorka beelaha Daarood ayaa dhankiisa tacsiyayn ka sakow waxaa uu soo hadal qaaday in ugaasku intii uusan geeriyoon uu muddo xanuunsanaa wuxuunna alle uga baryay xanuunkiisaasi inuu danbi dhaaf ugu badalo.
Ugu danbeyntii m/weynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa isagoo ku hadlayay afka shacabka iyo kan dawladda Puntland wuxuu beesha uu ka dhintay ugaaska uu ugua tacsiyeeyay geerida isagoo Eebe ka baryay inuu ugu badalo mid ka wanaagsan.
Madaxweyne Gaas waxaa uu soo hadal qaaday Ugaas Axmed Ugaas Maxamed inuusan ka dhiman beesha uu ka dhashay,balse geeridiisu ay tahay mid wada taabanaysa dadka Soomaaliyeed oo qadarin u haysay.
“Waxaan tacsi u diraya sidoo kale Beeshi uu ka baxay ,waxaan sidoo kale tacsi u diraya dadka reer Puntland meelkasta oo ay joogaan oo Ugaaskoodu ahaa Ugaas Puntland ‘’sidaasi waxaa yiri madaxweyne Gaas.
Magaalada Galdogob ayaa u muuqatay maanta inay isagu tageen haldoorka dadka reer Puntland iyo kuwo ka yimid Soomaalida
Si kastaba Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo lagu aasay qabuuraha bari ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa muddo fara badan soo hayay hogaanka ugu sareeya madax dhaqameedka beesha Tanada Daarood (Layl kase) wuxuuna ka mid ahaa Isimada loogu ixtiraamka badan yahay dalka Soomaaliya





