Page 1 of 1

AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Mon Nov 10, 2014 3:19 pm
by quark
Galdogob [RBC Radio] Waxaa maanta degmada Galdogob ee gobolka Mudug lagu aasay maydka AUN. Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo shalay ku geeriyooday isla degmada Galdogob.

Aaska waxaa ka soo qayb galay m/weynaha Puntland C/wali Maxamed Cali xubno ka mida golayaasha dawladda iyo wafuud madax dhaqameed u badan uu ka kala timid qaar ka mida gobollada dalka.

Madaxweyne Gaas, wafdiyadii kala duwanaa iyo dadweyne kumanaan gaarayay oo salaada janaasada kula tukaday duleedka degmada ayaa laga warbixiyay taariikhda ugaaska iyadoo dhamaan dadkii janaasadda ka dib hadlay ay sheegeen in ugaas Axmed ka mid ahaa madax dhaqameedka ugu qiimaha badan dalka allana ay uga baryeen inuu janno fardawso ka waraabiyo.

Intii aysan khudbadaha billaaban waxaa si kooban loo dul maray taariikh nololeedka ugaaska, waxaana sidoo kale khudbadaha madaxda iyo isimada furay Cali Ugaas oo dhammaan dadka soo ajiibay aaska Ugaaska ku tilmaamay dad maalinta murugada la qaybsanaya beesha Tanada Daarood oo Ugaasku uu si gaara madax dhaqameed guud uu ugu ahaa.

Isimadii hadlay ayaa dhamaantoodba si kooban u cabiray wanaagii iyo qiimihii ummadda Soomaaliyeed uu ku dhex lahaa Ugaas Axmed waxayna beesha alle uga baryeen inuu mid ka khayr badan ugu badalo.

Isimadii janaasada ka dib ka hadlay waxaa ka mid ahaa.

Islaan Bashiir Islaan C/dille

Islaan Ciise Islaan Maxamed

Ugaas C/laahi Ciise

Caaqil Cabdi-wahaab Maxamuud Guray

Suldaan Maxamuud Maxamed Calas

Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin

Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo ka yimid dhanka Galmudug

Marka laga soo tago madax dhaqameedka ka kala yimid qaybo ka mida dalka sidoo kale waxaa aaska ugaas Axmed ka soo qayb galay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa m/weynihii hore ee Galmudug Col. Axmed Maxamed Caalim.
Xubnihii dawladda ee ka hadlay aaska ayaa dhankooda muujiyay sida dareenka murugada ay ula qaybsanayaan beesha uu ka dhintay Ugaaska iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan boqor Muuse boqorka beelaha Daarood ayaa dhankiisa tacsiyayn ka sakow waxaa uu soo hadal qaaday in ugaasku intii uusan geeriyoon uu muddo xanuunsanaa wuxuunna alle uga baryay xanuunkiisaasi inuu danbi dhaaf ugu badalo.

Ugu danbeyntii m/weynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa isagoo ku hadlayay afka shacabka iyo kan dawladda Puntland wuxuu beesha uu ka dhintay ugaaska uu ugua tacsiyeeyay geerida isagoo Eebe ka baryay inuu ugu badalo mid ka wanaagsan.

Madaxweyne Gaas waxaa uu soo hadal qaaday Ugaas Axmed Ugaas Maxamed inuusan ka dhiman beesha uu ka dhashay,balse geeridiisu ay tahay mid wada taabanaysa dadka Soomaaliyeed oo qadarin u haysay.

“Waxaan tacsi u diraya sidoo kale Beeshi uu ka baxay ,waxaan sidoo kale tacsi u diraya dadka reer Puntland meelkasta oo ay joogaan oo Ugaaskoodu ahaa Ugaas Puntland ‘’sidaasi waxaa yiri madaxweyne Gaas.

Magaalada Galdogob ayaa u muuqatay maanta inay isagu tageen haldoorka dadka reer Puntland iyo kuwo ka yimid Soomaalida
Si kastaba Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo lagu aasay qabuuraha bari ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa muddo fara badan soo hayay hogaanka ugu sareeya madax dhaqameedka beesha Tanada Daarood (Layl kase) wuxuuna ka mid ahaa Isimada loogu ixtiraamka badan yahay dalka Soomaaliya

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Mon Nov 10, 2014 3:22 pm
by quark
Muqdisho [RBC Radio] Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaha ha u naxariistee Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo maanta ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. Ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa yiri. “Ugaaska wuxuu qeyb xoog leh ka soo qaatay samata-bixinta umadda Soomaaliyeed iyo aas-aaska dowladnimadda” .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa EEBBE uga baryey Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali inuu janadii fardoowsa ka waraabiyo. AMIIN
___






R.W Cabdiweli ayaa ka tacsiyadaynaya geeridii ku timid Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Geesood.

Mogadishu, 09 November 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga diraya qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Salaadiinta Soomaaliyeed, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo maanta ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, wuxuna marxuumka alle uga baryay in uu jannadiisa ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee ka baxay Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ahaa ugaaskii guud ee Beesha Leelkase oo maanta ku geeriyooday degmada Goldogob. Ugaasku wuxuu kamid ahaa dadka aad looga qadariyo gobalka saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka dagan gobalka “.

Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali ayaa kamid ahaa ugaasyada caanka ah ee gobolka Mudug, isagoo siweyn uga dhax muuqday xal uraadinta dalka Somalia, waxaana lagu xasuustaa ka qayb galkii Shirarkii dib-u-heshisiiinta ee lagusoo unkay dowladihii kala danbeeyay ee dalka soo maray.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Mon Nov 10, 2014 4:44 pm
by Cunaaye25
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAJICUUN ...
ilaahay hakuu naxariisto abti :cry:
Ilaahay Janatul Fardawsa Haka Waraabiyo ,abti ...

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Tue Nov 11, 2014 7:59 am
by Righteous
Ilaahay ha uu naxariisto marxuumka.

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Tue Nov 11, 2014 1:09 pm
by FBISOMALIA
AUN

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Wed Nov 12, 2014 1:45 am
by knet
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAJICUUN.

ALLAH HA UU NAXARIISTO MARXUUMKA UGAAS AXMED UGAAS MOHAMED.

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Wed Nov 12, 2014 1:00 pm
by thegoodshepherd
AUN Ugaas Axmed

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Fri Nov 14, 2014 1:25 pm
by HusseinHassan
aun

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Sun Nov 16, 2014 5:58 pm
by STARKAST
AUN

Re: AUN Ugaas Axmed Ugaas Mohamed

Posted: Sun Nov 16, 2014 6:08 pm
by Chinaman
AUN to Ugaas Axmed & I wish Samir iyo iimaan to all of the Ugaas's close relatives.