S iil Aanyo is already begging for peace.

Somaliland: Siilaanyo appeals for maintenance of peace
http://somalilandpress.com/somalilandpr ... eace-55148
Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Muranka Siyaasadeed Ee Somaliland, Kuna Taliyay Dhawrista Dimuqraadiyadda
Hargeysa(Ramaas)November-16-2014-Beesha caalamka,ayaa walaac ka muujisay Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland Qaska galiyay sabtidii.
Danjiraha Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay iyo Danjiraha Midawga yurub Mr Michele Cifvibed’urso, ayaa
ka digay khatar ka dhalata qaska siyaasadeed,iyagoo ku taliyay in hanaanka dimuqraadiyada iyo u diyaar garawga doorashada lagu socdo,la
isna xakameeyo. -
Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska Danjire Nicholas Kay ayaa lagu yidhi “Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay Nicholas Kay wuxuu walaac
ka muujinayaa rabshadaha dhacay 15 November,iyadoo lagu guda jiray u diyaar garawga doorashada Baarlamaanka Somaliland. Waxa jira in xubno
Baarlamaanka ah la xidhay,iyadoo rabshaduhuna sababeen khasaare dhawr ah” -
Waxaanu intaasi raaciyay Nicholas Kay “Somaliland waxay horumar ka samaysay dhinaca doorashooyinka dimuqraadiga ah,rabshaduhuna waxay khatar galin karaan guulaha la gaadhay,waxaan dhinacyada oo dhan ugu baaqayaa inay awoodooda xakameeyaan.waana in jidka dimuqraadiyada si buuxda loo dhawraa” -
Dhanka kalena Danjiraha Yurub ee Somaliland iyo Somalia Mr Michele Cifvibed’urso, ayaa boggiisa twitter-ka ku daabacay qoraal uu walaac kaga muujinayo
arimaha siyaasadeed ee Somaliland “Midawga Yurub wuxuu ka walaacsanyahay Xiisadaha kor u sii kacaya ee Baarlamaanka Somaliland.waxaanu dhinacyada
oo dhan ugu baaqaynaa inay isxakameeyaan oo oofiyaan ballanqaadkoodii doorashada 2015-ka” ayuu yidhi Mr Michele Cifvibed’urso -
Xiisada ka taagan Golaha wakiilada oo Mooshin ka taagan yahay ayaa hadda waxaa hakiyay Guurtida,iyadoo rabshadihii shalay sahaydeen Nolosha gabadh
iyo dhawaaca dad kale.waxaa laga warsugayaa salaasada oo fadhi kale u balameen mudaneyaasha muxaafadka ah iyo xalka guurtidu gaadho. -
http://ramaasnews.com/index.php/News/Be ... 3jcwX.dpuf