U.S. warns SL Govt. Targeting of HCTV CEO!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
SayyidUmar
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 994
Joined: Wed Aug 13, 2014 5:56 pm
Location: All things being equal,

U.S. warns SL Govt. Targeting of HCTV CEO!

Post by SayyidUmar »

Maraykanka Oo Xukuumadda Somaliland U Soo Diray Farriin Adag Oo La Xidhiidha Guri Ka Saaristii Mulkiilaha HCTV Iyo Xadhiga Saxaafada

Dawladda Maraykanka ayaa xukuumadda Somaliland u soo dirtay farriin adag oo la xidhiidha xadhiga saxaafadda iyo weliba qaabkii guriga looga saaray mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed. Ku Simaha Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Somaliya Danjire Brian H. Phipps, ayaa dhambaal uu u soo diray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu Maraykanku aad uga walaacsanyahay xaaladda saxaafadda iyo dagaalka ay xukuumadu ku hayso.

Nuqul ka mid ah warqadaas uu Maraykanku u soo diray Somaliland, oo sidoo kale la soo gaadhsiiyay mulkiilaha HCTV, islamarkaana uu Geeska Afrika arkay ayaa wuxuu Maraykanku ku muujiyay sida uu uga xunyahay sida guriga looga saaray mulkiilaha HCTV oo haysta dhalashada wadanka Maraykanka.

Warqadaas oo dhammaystiran ayaa waxay u dhignayd sidan “Aniga oo ka jawaabaya munaasabadda maalinta warbaahinta Somaliland, ee ku began 9ka November, waxa aan jecelahay in aan dareenkaaga ku soo jeediyo, xadhiga war-fidiyeenka Somaliland oo maalmahan aad u sii kordhaya.

Sida aad ka warqabto, 30kii Oktoobar dowladda Somaliland waxa ay xabsiga u taxaabtay laba saxafi, waa Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan Horn Cable TV iyo Maxamed Xasan Sheekh oo ka tirsan Telefishanka SomSat, sidoo kale, 4tii Noofambar waxaa la xidhay Ifraax Xaaji Maxamed Nuur oo ka tirsan talefishanka Horn Cable.

Warbixinahan, marka lagu daro awoodii la sheegay in 8dii Noofambar guriga lagaga saaray mulkiilaha talefishanka Horn Cable, Farxaan Xaaji Cali Axmed, oo sidoo kalana ah, muwaadin Maraykan ahi waa arrin warwar badan abuuraysa oo caddayn karta in shakhsiyaadkan ay xukuumaddu beegsanayso.

Waxa aan jeclaan lahaa in aan fursaddan uga faa’idaysto, in aan Somaliland xasuusiyo ballanqaadkeedii dhowrista mabaadii’da dimuqraaddiyadda iyo warbaahinta xorta ah, kuuwaas oo ku dhowran dastuurkiina, waxa aanan idinku baaqayaa in aad qaaddaan tallaabo ku habboon oo aad dib uugu eegaysaan xaaladda hadda jirta ee ah haddidaada warfidiyeennada.”

Xafiiska Wararka BooramaOnline

Hargeysa-Somaliland-Gsk
User avatar
SayyidUmar
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 994
Joined: Wed Aug 13, 2014 5:56 pm
Location: All things being equal,

Re: U.S. warns SL Govt. Targeting of HCTV CEO!

Post by SayyidUmar »

Here is the response of Farxan Xaji Cali on the targeting of the RRU on his home.

Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”