What will be interesting is how the seats are divided among the smaller clans
Maamulka Jubba ayaa sheegey in dhismaha Baarlamaanka lasoo dhamaystiri doono bisha soo socota ee December.
Hadalkani waxaa munaasabad maanta Kismaayo ka dhacday ka jeediyey wasiirka amniga Jubba Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish oo sheegey in uu ku hadlayo codka madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam.
Isaga oo ka hadlayay shaacintii garsoorka gobolada Jubbooyinka ayuu ku kaftamay in dad badan ay weeydiiyeen in maadaamaa maanta garsoorkii lagu dhawaaqayo in baarlamaankana lagu xijin doono, isagana uu dadkaasi ugu jawaabayo balanqaad ah in bish December uusan dhismaha baarlamaanka la dhaafi doonin.
Iyada oo uu maamulka jiro sanad iyo bar ayuusan wali baarlamaankii dhisneyn, iyada dad badan ay su’aalo ka qabeen goorta baarlamaanka la dhisayo.
KismaayoNews.com