oo lagu furayey Todobaadka Dhaqanka iyo Hal-abuurka Jaamacada PSU ee Garoowe.
Xafladaan ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Waxgarad, Xildhibaano, Dhalinyaro, Haween iyo dhammaan ardayda waxkabarata jaamacada PSU oo kamid ah jaamacadaha ku yaal Puntland.
Todobaadka Dhaqanka iyo Hal-abuurka oo ah barnaamij dhaqameed lagu tartansiiyo ardayda dhigata kulliyadaha Jaamacada PSU ayaa ardaydu waxa ay ku soo bandhigeen madasha hiddaha iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliya caanka ku tahay.
Ardayda ayaa ku tartamaysay Qur’aan, Xadiis, Suugaan, Cilmibaaris, Hiddaha iyo Dhaqanka, Hal-abuur, Ciyaaraha Kubada cagta waxana halku dhiga barnaamijku uu ahaa ‘’PSU waxay u taagan tahay soo noolaynta dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed’’.











































