Page 1 of 1

Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolada Dhexe oo si habsami leh uga socda Dhuusa Mareeb

Posted: Mon Feb 02, 2015 10:55 am
by THE_TRUTH1
Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolada Dhexe oo si habsami leh uga socda Dhuusa Mareeb (Sawirro)
by A M | Monday, Feb 2, 2015 | 2360 views

Image


Shirar dib-u-heshiisiineed oo ay hore ugu baaqeen beelaha wada dega gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa shalay ilaa maanta waxay ka dhacayaan Xarunta cusub ee (Nabadda iyo Mideynta Soomaaliya) ee degmada Dhuusa Mareeb oo gobolka Galgaduud.
Image
Wafdi ballaaran oo tiro ahaan kor u dhaafaya 212 xubnood kana kala yimid degmooyinka iyo tuulooyinka waqooyiga gobolka Galgaduud oo maalin ka hor soo gaarey degmada Dhuusa Mareeb iyo ergo kale oo ka timid degaanno kale oo isla gobolka galgaduud ah, ayaa waxaa shirar dib u heshiisiineed uga socdaan hoolka shiraka ee degmada Dhuusa Mareeb.


Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) oo shirarkan ka dhex muuqda ayaa ergada ka qeyb galeysa ku dhiirra geliyey in la isku tanaasulo nabaddana la wada qaato si loogu gudbo maamul goboleed lagu mideysan yahay oo gogoshiisu taalo degmada Dhusamareeb. Waxaa kaloo isaguna shirarkaan si weyn u hagaya guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mudane Cabdirisaaq Xasan Cawl.
Image
Sidoo kale waxaa degmada Dhuusa Mareeb maalmaha soo socda ku soo wajahan ergooyin kor u dhaafaya 200 xubnood oo ka soo ruqaansanaya Magaalada Muqdisho, Xubnahaasi oo ka kala socda 9 beelood oo wada dega gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Image
Ergadan ayaa waxay magaalada Dhuusa Mareeb uga qeyb gelayaan shirka dib u heshiisiinta beelaha dega gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Dhanka kale wafdi ka socda urur-goboleedka IGAD oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan degmada Dhuusamareeb.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale soo dhoweyntooda loogu diyaar garoobay degmada Dhuusa Mareeb.

Shirkan dib u heshiisiinta beelaha wada dega gobollada mudug iyo Galgaduud, waxaa lagu sheegay in lagu dhameynayo khilaafaadka iyo xurgufta dhexdooda ka jira, ka dibna loo gudbo maamul loo dhan yahay oo laga yagleelo degaannadaasi.

Re: Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolada Dhexe oo si habsami leh uga socda Dhuusa Mareeb

Posted: Mon Feb 02, 2015 11:01 am
by THE_TRUTH1
DHAGEYSO:Guddoomiyaha Balanbal oo Saadaal faahfaahin ka siiyay shirka ka socda Dhuusamareeb


Image

Feb 2, 2015 - jawaab
Shirkii Dib u heshiisiinta ee Beelaha daga Gobolada dhexe ee
Soomaaliya ayaa shalay kafurmay Magaalada Dhuusamreeb ee xarunta
Gobalka Galgaduud isagoona maantay galay Maalinkiisii labaad

waxaana shalay shirka wada hadalkii u horeeyay yeeshay beelaha Sade ee
Waqooyiga Gobalka Galgaduud iyo Beelaha ku kala abtirsada Degmooyinka
Dhuusamareeb iyo Gurceel

Gudoomiyaha Degmada Balanbale Hareeri Xasan Bare oo waraysi siiyay
Saadaalmedia ayaa sheegay in kulankii ugu horeeyay ee shirka ay wada
yeesheen Odoyaasha beelaha Sade iyo Beelaha Degmooyinka Dhuusamreeb
iyo Gurceel

Ayaanle Cabdulaahi Jaamac wakiilka Saadaalnews ee Gobalada Dhexe ayaa waraystay

Re: Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Gobolada Dhexe oo si habsami leh uga socda Dhuusa Mareeb

Posted: Mon Feb 02, 2015 11:10 am
by THE_TRUTH1
Wafdi Ka Socda Degmada Caabudwaaq oo Gaaray Cadaado+Kulamo Kasocda Cadaado


Image

Wafdi Ka Socda Degmada Caabudwaaq oo Gaaray Cadaado+Kulamo Kasocda Cadaado

Magaalada Cadaado Ee Xaruunta Maamulka Ximan iyo Xeeb maanta Waxaa Gaaray Wafdi Kasocda Degmada Caabudwaaq Kaasi oo Uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Dhanka Amniga Ee Caabudwaaq iyo Sidoo Kale Ay Ku Wehlinayeen Masuuliyiin Kale
Ujeedka Wafdigaan Ay Cadaado Ugaareen wali si rasmiya saxaafada loo guma shaacin inkasto warar aynu Helnay Ay Sheegayaan in kulamo kaladuwaan xiligaani ay u soconayaan madaxda ximan iyo xeeb iyo wafdiga Caabudwaaq
Socdaalka Wafdigan Kasocda Degmada Caabudwaaq Ay Ku Tageen Cadaado Ayaa imaanaya Xili Magaalada Cadaado Ay isku Diyaarinayso Marti Galinta Shirka Maamul Usameenta Gobolada Mudug iyo Galguduud
Wixii Warar Ah Kala Soco Wararkeena Dambe
W/Q: Hanad Abdi Faarah