Gujadaan ku ridi

Gabayada iyo dadka Gabya

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods

libaaxyare
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1408
Joined: Sat Mar 15, 2014 11:22 pm

Gujadaan ku ridi

Post by libaaxyare »

Gabaygii Faarax Shuuriye Gujadaan ku ridi

Mas galaalan, good laba afla'ah, oo ganaya waabaayo
Abris ninuu god uga soo baxoo, micida gaarsiiyey
Gallad Eebbe mooyi iyo inuu, uga gargaaraaye
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.

Nin libaax ku gowriirsadoo, garabku hooseeyo
Oo u guudka kala saaran yahay, miciyo gaal-leefa
Hadaan guutadiisii ka celin, gucumaloow Libaaxu
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.

Baddu nimey gurguurtoon aqoon, gudubsi loo dhaafo
Oo u xiisku gaaddada marshoo, gebiga dhaafsiiyey
Gallad Eebbe mooyi iyo inuu, uga gargaaraaye
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.

Guudkii Hiraab nin u gabyay, een igu ogaan geeri
Ee caalinkeenii Gobaad, hadalla gaarsiiyey
Gujaalaan ku ridi ee muxuu libin ahuu gaaray.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Literature - Poems and Poets”