Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by KyrieJama »

Very interesting read, thought I should share.

http://cadaaladdoon.blogspot.com/2015/0 ... iciid.html

Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Image


Waar Reer Somaliland Cayilaad badanaa.” Cigaal ayaa u jawaabay oo yidhi; “Xoolihii Carabtu naga xayirtay ayaanu ku cayilnay.”


Aroos weligiiba marin hawl leh buu ku majiiraaye
Malahayn manaa baad ku noqon maalin dabadeed eh
Maantana biyihii moon miyaan xamaraw kaa miijay
Nuur Dhegay


Sannadkan cusub ee 2015 bishii hore ayaan u sodcaalay Dalka Yemen ee Gacanka Berbera inuu dhexeeyo. Baddaasi waxa la odhan jiray oo Muslimiinta iyo Carabtuba ku qoreen kutubtii hore intaan Khawaajuhu dunida maskaxda ka qabsan “Gacanka Berbera” ama “Khaliij Berbera” isticmaarkii Ingiriiska ayaa ka dhigay “Gacanka Cadan” markuu halkaas qabsaday. Waxan sii maray Magaalada Djibouti, Jamhuuriyadda Djibouti, halkaas oo aan diyaarad ka raacay. Waqtiga Duulimaadka diyaaraddu waxa uu dhammaa 45 daqiiqo ilaa Magaalada Tacis ee aan u socday.
Sida ninka tixidan gabayga ihi lehi uu uga calaacalay faraskiisa ee ugu caloolyoobay socdaalkan buurta Manaa ee Calmadaw ee Laas-qoray ku dul taal iyo durdurada moon ee uu sii jibaaxayo, isaga oo aroos dhawr jeer baaqday ku socda, ayaan anna ka caloolyoobay socdaalka Yemen ee waqtigan aniga oo sidiisa ardaadig u ahaa inankaygii u yaraa oo gabadh reer Yemen ah ay wada sheekaysteen.
Xuutiyiinta shiicadaha iyo Al-qaacidda Yemen oo ayaa ku herdamaya dalkaasi iyo cir ka soo dhaca ama darooniska Maraykanka. Labada kooxood waxa la kala socda oo ku milmay dhalliyaro Soomaali ah, taas oo iyana khatarteeda lahayd.
Waxa aan xusuustay aniga oo ka mid ahaa wefdi Somaliland ahaa oo dawladda Yemeni martiqaaday oo diyaarad Hargeysa ugu soo dirtay sannadkii 1999 bishii febarwari. Wafdiga waxa hoggaaminayey Madaxweyne Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda Marxuun Maxamuud Saalax Nuur ( Fagadhe), Wasiirkii Gaashandhigga Mudane Rashiid Xaaji Cabdillaahi iyo aniga [Maxamed Saciid Gees] oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Xoghayihii Madaxweynaha Cabdiraxman Kubaddo.
Waxa aan gurigiisa kula barjaynay oo na martiqaaday Madaxweyne-ku-xigeenkii Yemen oo ahaa Cabdirab, Mansuur Al Hadi, oo mar dembe Madaxweyne ka noqday Yemen oo ayaan dhoweydna is-casilay markii jabhaddan Xuutiyiintu Sanca qabsatay. Isaga oo ay weheliyaan Wasiiro iyo madax kale oo dawladda Yemen ka mid ahaa.
Waxa xusud mudan xubnaha wafdigayagu waxay aad u wada yiqiineen ku hadalka afka Carabiga aanu ku kala xariifsanaanee. Sidaas darteed sheekado waxay ku socotay af-carabi. Marxuun Fagadhe oo reer Cadmeed ahaa ayaa aad uga sheekeeyey siyaasadiintii iyo abwaanadii iyo joornaalladii Yemen, gaar ahaan Cadan oo uu ku noolaa muddo badan.
Aroortii dembe waxan la kulanay oo na qaabilay Madaxweyne Cali Cabdulle Salax oo dalkaas xukumayey muddo 33 sanno ah markii xilka laga fadhiisiyey sannadkii 2011. Waxa goob-joog fadhiga ka ahaa qoladii aanu habeenkii wada barjaynay. Madaxweyne Cali Cabdulle waxa uu ka yaabay ballaadhka iyo baaxadda xubnaha wefdigayaga oo waxan ahay Marxuun Cigaal, Marxuun Fagadhe Rashiid iyo aniga [Gees]. Gedigayo waxan ahayn dad qaro waaweyn oo ciyalsan.
Waxa uu Cali Cabdule yidhi; “Waar Reer Somaliland Cayilaad badanaa.” Cigaal ayaa u jawaabay oo yidhi; “Xoolihii Carabtu naga xayirtay ayaanu ku cayilnay.” Markaas oo xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofin jiray dalkeeda ay xayiraad saartay Boqortooyada Sucuudigu.
Haasawahaas ka dib waxa uu hadalkii ku soo koobay Madaxweyne Cali Cabdale “Aad ayey igu warrameen qoladaydii aad xalay la kulanteen.
Horena waa uga war hayey Ardda Soomaal (Somaliland). Waa la socdaa horomarka aad ka gaadheen, dhinaca dawlad dhisidda iyo nabadaynta, qolada reer Konfureed (Soomaaliya) halkan ayaan madaxdooda ku qaabilay, nimankaasi ma ah kuwa dal iyo dawlad dhisaya ee waa kuwa dano gaar ah wata.
Waxan idiin sheegayaa Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku jiraa inaanay marna oggolaanayn in Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ay kala go’do oo Somaliland la ictiraafo, waayo waxay taas horseedaysaa waddano badan oo Carab ihi inay kala go’aan oo aan maslaxdayada ama dantayada ahayn, sida dalkan Yemen, Ciraaq , Sudan iyo Libiya.
Sidaa darteed, talo odaynimo ayaan idin siinayaa. Idinka oo sidiinaa u dhisan sheegta Dawladii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee galabtay, deeto kursiga Jaamacadda Carabta ku fadhiista, Yemen ayaa ugu horreynaysa ictiraafkiina, dalalka khaliijkana dhaqaale aad dalka ku dhisataan ayaan idiinla raadinayaa iyo ictiraaf. Arrintaas ka soo tashada oo kula noqda dalkiinii iyo dadkiinii ha ku degdegina hadda.”
Wefdigii waxa uu u sii gudbay magaalada Qaahira iyo dalkaasi Masar oo iyana martiqaaday. Habeen aanu joognay Qaahira ayaa Madaxeyne Cigaal nagu matiqaaday saddexdayadii Wasiir casho huteelka aan ku jiray. Waxa uu na warsaday sida aanu u aragnay soo jeedintii Madaxweyne Cali Cabdlle Salax ee ku saabsanayd masiirka Somaliland. Labadii Wasiir ee kale way ka gaabsadeen inay fikrad toos ah uga dhiibtaan arrintii. Anigu waa aan ku dhiiraday oo waxan u sheegay sidaan taladaasi u arkayey anoo aan hadda dib u tafatirayn (Afartayadii xog-ogaalka u ahaa arrintaasi laba ayaan ifka ku joognaa aniga iyo Rashiid Xaaji Cabdillaahi.
Hadalkayga oo dheera waxan ku soo koobayaa sidan: Haddii taladaas la inagu raaco oo aan yeelno oo la inoo ictiraafo sida Cali Cabdle sheegay, qolada konfureed waa ka hor imanayaan. Inagu sharciyadii ayaan kala wareegaynaa, wada hadla ayaa la ina odhanayaa, deeto marka aan heshiin wayno iskala taga ayaa xigta inaga oo haysana ictiraafkii dunida.
Haseyeeshee, Yemeni miisaan Siyaasadeed malaha, kafiil ka weyn ayaa loo baahan yahay haddii hawshaas la gelayo . Markii aan hadalkii iyo cashadii dhamaysanay ee qolalkii lift-ka u raacnay ayaa Marxuun Cigaal yidhi intuu xagaygii u soo jeensady. “ waa sidaad sheegatay geesaw’ sponsor’ ama kafiil weyn ayaa loo baahan yahay.”
Waqtiga sheekadaasi dhacday waxa hadda laga joogaa 16 sano, weli Somaliland cidi ma ictiraafin, Soomaaliyana dawlad dhisanweyday, hadda oo 20 kun oo ciidan ajnebi ahi ay illaalinayaan ayaa dunidu waraaba-u-taag dawlad ah loo dhisay oo la ictiraafay oo dhaqaale la siiyaa welise fari kama qodna.
Dalalkii Carabta ahaa ee uu Madaxweyne Cali Cabdule uu tilmaamay; Soodaan waa kala go’day, Ciraaq waa saddex dawladood oo dagaallamaya, Liibyaa waa gobol-gobal, Yemeni waa dildilaacday. Arrin shaqo ku leh Somaliland ma ahayn. Cali Cabdalle Saalax ka dhac xilkii weliba si fool-xun. Marxuun Cigaal iyo Marxuun fagadhe alleystee, Gees oo dhega – beelay ,iyo Mudane Rashiid oo jiifaa, ayaa joogaa. Somaliland waa tugtug leedahay itaalkeed, tol iyo tag la’aan ayaa heshay nabadda ayuun bay ka dedaashay, daryeelkii dadweynaha loo maara waa, biyo la’aan, Hargeysa waxa dadka badani dharka maydhaan oo caruurtu qubaysataa oo biyo heleen marka dooxo soo rogmado oo aad arkaysaa dharka oo dooxa hareerahiisa ku wadhan, sidii aan ahaan jirnay kontomaadkii markii habarqabaha isticmaarku joogay ee biyo meelna wadanka ka soo saari waayey. Waxbarashadii iyo daryeelkii caafimaadku waa wagash wagash. Dugsiga sare ee lagu magcaabay aabbihii waxbarashadda Somaliland Marxuun Maxamuud Axmed Cali ee Airport-ka loo sii maro, ee cid waliba aragto ayaa kuugu filan xaaladda waxbarashada dalka.
Waxa dalka intaas u dheer dibandaabyada ajnebiga, muslin iyo gaalba ay ku hayaan iyo qurba-joogta sida khaliifyada iyo wabarada hadda shiidka bilaabay. Somaliland waxay ku taagan tahay oo ka dhimanweyday cidi teelo uma dhigan eh waa qabka (Pride) beelaha dhexe ama Isaaq. Intee qab ku wadayaa haddii horumar la gaadhi waayo iyana waa su’aal?
User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8463
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by LeJusticier »

Grad
where can I got the entire episode of Prof M Siciid?
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by KyrieJama »

LeJusticier wrote:Grad
where can I got the entire episode of Prof M Siciid?
I've been looking for the earlier episodes as well, I know an individual in Burco who forwards the episodes to local media agencies, ill get back to you.

Also he hasn't concluded the series, the one I posted is one of his latest.
User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8463
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by LeJusticier »

garad13 wrote:
LeJusticier wrote:Grad
where can I got the entire episode of Prof M Siciid?
I've been looking for the earlier episodes as well, I know an individual in Burco who forwards the episodes to local media agencies, ill get back to you.

Also he hasn't concluded the series, the one I posted is one of his latest.
Thanks, Gees is one of the greatest man in our land.
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by KyrieJama »

LeJusticier wrote:
garad13 wrote:
LeJusticier wrote:Grad
where can I got the entire episode of Prof M Siciid?
I've been looking for the earlier episodes as well, I know an individual in Burco who forwards the episodes to local media agencies, ill get back to you.

Also he hasn't concluded the series, the one I posted is one of his latest.
Thanks, Gees is one of the greatest man in our land.
Ada Mudan, I agree, straight out of school, on a vacation to SL he invited me to apply for a position at a research center based in Hargeisa which he was the executive director. Too bad, he was losing his hearing at that time, wish I could've worked with him a little longer. Odayga waa raggi hore :up:
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17681
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by theyuusuf143 »

he is one of the few landers whos hobby is to write.
User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8463
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by LeJusticier »

theyuusuf143 wrote:he is one of the few landers whos hobby is to write.
Damn dad 99.99 oral society ah :(

Isaga iyo fagadhe AUN waxaan kula kulmay Geneva
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by KyrieJama »

Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 38aad.



“Sharcigu waxa uu u suurtageliya dadka inay himilooyinkooda gaadhaan, dadkana waa kala illaaliyaa, dawladdana waa ka illaaliyaa”


The law helps people achieve their goals, and protects people from each other and from the state”

“Sharcigu waxa uu u suurtageliya dadka inay himilooyinkooda gaadhaan, dadkana waa kala illaaliyaa, dawladdana waa ka illaaliyaa”
Sannadkii 1995 aniga oo joogaa magaalada Djibouti, ayaa waxa noo sheekeeyay Mareeyihii Huteelka Sheraton Djibouti oo ay waqtigaas ay lahayd dawladdu, ayaa sheekadii noogu bilaabay, “Waxa dhowaan ku soo degay huteelkan [Sheraton] nin maalqabeen ah oo waddanka Kuuriyada Konfureed (South Korea) ka socda. Ninkaasi waxa uu ii sheegay inuu sharkado badan uu u wakiil yahay oo uu u raadinayo meelo uu maalgeliyo, Ninkaas aad ayaan u soo dhoweeyey,” buu yidhi Maareeyihii Hotel Sheraton, waxanu intaa ku daray,



“Waxan uga sheekeeyey oo u amaanay Dalkan Jamhuuriyadda Djibouti, in dalku uu leeyahay Dekad iyo Garoon diyaaradood oo casri ah iyo suuq ganacsi oo xor. Ninkii Reer Kuuriya oo dhawr casho joogay, ayaan la kulmay habeenkii uu tegayey oo aan warraystay, waxanu ii sheegay in aanu wax maalgelin ah ku samayn doonin Djibouti, kuna dhiirrigelin doonin sharkadaha uu wakiilka ka yahay. Aniguna waxaanu u sheegay in dalkan 80 sannadood ay Dawladda Faransiiska haysatay, waxa uu iigu jawaabay, ‘Sidaas darteed, waxan la kulmay dadkii Faransiiska ahaa ee degganaa dalkan Djibouti, waxanan waydiiyey waxay maalgashi igu samayn waayeen dalkan ay muddadaas dheer ay joogeen? Balse, waxay ii sheegeen in ay maalgashiga qudha ay ku sameeyeen uu yahay dekadda oo ciidanka badda ee Faransiis joogo iyo garoonka diyaaradaha oo Ciidanka Cirka ee Faraansiis deggan yahay.
Labada meelood oo keliya ayaan maalgelinay, sababta oo ah magaaladan haddaad debadda uga baxdo waxa deggan dad aan Sharci ku noolayn oo aan aaminsanayn lahaanshaha gaar ahaaneed oo kugu qabsanaya wixii aad samayso Sharci kasta haddii aad sidato, sidaas darteed haddii aad raadinayso meel aad maalgashato dalka jaarka ah ee Itoobiya qabo,’ ayuu igu qanciyey Ninkii Kuuriyaanka ahaa,” ayuu yidhi Mareeyihii Huteelka Sheraton Djibouti.
Qoladayadii reer Soomaaliya ee qaxootida ah waa ku qanacnay sheekadii, annaga oo ka soo qaxnay guryahyagii, beerahayagii iyo maal iyo mood wixii aan lahayn oo dad kale iska qabsadeen. Waxa aynu ka warhaynaa shirkadihii shidaalka ka baadhayey Somaliland ee Dawladdu sharciga siisay sida loogu qabsaday dhul qarfa ah oo cidla oo aan la degganayn, dabadeedna ay iskaga huleeleen.
Sidoo kale, shirkadahii buuraha cidlada ah macdanta ka baadhayey, ayaa iyakana lagu qabsaday oo laga sheegtay iyaga oo sharci heshiis ah wata, kuwaasina waa guureen. Kuwa waddaniyiin ah ee rabay inay waershado samaystaan ciidii Illaahay meesha dhigay ayaa laga sheegtay oo loo diiday. Dhulkii seeraha ahaan jiray in dib loo xidho waa la diiday. War bal amuurtan kaalay. Hadda waxa laga faaloonayaa oo loo botorinayaa shirkado soo hawaystay inay maalgashi ku samaeeyaan Dekadda Berbera. Xaggee marka loo kacayaa? Dadka Somaaliyeed meel kasta ay joogaan waa xoola dhaqato, xoolaha ninkii xoog leh ee tol badan ayaa dhaca. Ma jiro lahaansho gar ahaaneed iyo sharci sidaas qeexayaa. Tii ayaan magaalo iyo dawlad la nimid. Ma aynaan wada noolan jirin ee Khawaaje ayaa isugu keen keenay magaalooyin uu samaystay magac, dalna ina siiyey. Markuu innaga tegay soddan sanno kadib waa burburinay oo sidii aan u noolan jirnay ee beeliba ay meel degi jirtay ayaan ku noqonay. Hadda ayaa dib dedaal loogu galay in bal sida dadwayga kale ee dunida loo noolaado oo sharci lagu noolaado. Ayaan qaar sheeganaya Madax-dhaqameedyo iyo Barafasooro ayaa ololaynaya in haddana dib loo guuro. Madaxweyne Barack Obama ayaa dhammaadkii sannadkii hore cafis siiyey dad aan sharci degganaasho joogin Dalka Maraykanka. Digriitadaas cafiska ahayd waxay saamaysay oo degganaasho sharci ah siinaysay Shan malyuun oo qof. Dhawr Gobol oo dalka Maraykanka ka mid ah, ayaa dacwad ka furtay Maxkamad Hoose oo ku taal Gobalka Taagsis (Texas). Maxkamadahaas waxay daadifaysay oo waxba kama jiraan ku go’aamisay Digriitadii Madaxweyne Barack Obama. Dawladda iyo Madaxweynaha waxa u furin uun inuu Rafcaan ka qaato go’aanka Maxkamadda, oo uu u qaato Maxkamad ka sarreysa. Xaakinkii hawshiisii ayuu wataa, Maxkamadda Rafcaanka loo qaatay ama way ku raaci ama way jebin xukunkiisa, isaga wax dhibaato ihi ma soo gaadhayso. War bal day, boowe maxaa kuu baxay!!
Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal dhisay sannadkii 1997, markii laga soo doogay ee laga heshiiyey Dagaalkii Sokeeye ee socday 1994 – 1996, ayaa waxay ka codsatay Hay’adihii Ajnebiga ahaa iyo Dawladihii Shisheeyaha, gaar ahaan UNDP inay dhinaca sharci ku xukunka (Rule of Law) ay wax kala qabtaan, taas ayaa keentay in dib loo furo Dugsiga Tababarka Booliska ee Mandheera, Abuuridda Kulliyadda Sharciga iyo Machadka Tababarka Shaqaalaha dhinaca Maamulka Maaraynta iyo Xisaabaadka. Saddexdiiba waa hirgaleen oo maanta waa shaqeeyaan. Labadii Gole ee Xeer-dejinta [Wakiillada iyo Guurtida] ee sannadihii 1993 ilaa 2003, waxay iyana ku guulaysteen inay ansixiyaan Xeerar badan oo maanta dalku ku dhaqmo, haseyeeshee weli fari kama qodna oo wax loo baahan yahay in Xeerar ama Shuruuc badan laga soo dheegto Dastuurka oo la waafajiyo.
Tusaale ahaan, waxa aad looga hadlaa: Guryo, Warshado ay xukuumaddu ku wareejisay muwaadiniin. Waa arrin aad looga murmo. Waxay xukuumaddu ku salaysaa arrintaas qodob Dastuurka ah oo u oggolaanaya xukuumadda inay sidaas ka yeesho Hantida Qaranka haddii ay dan ka aragto
Qodobka 12aad Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Wax-soo-saarka Wadaniga ah:
1. Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh.
2. Daryeelka iyo illaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana qeexaya Xeer.
3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hanti­guurto ama ma-guurto ah, may iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku beddelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
4. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda Dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. lllaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo Xeer ayaa qeexaya. 5. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si Xeerka waafaqsan. 6. Dawladdu waxay dhiirrigelinaysaa wax-soo-saarka waddaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka waddaniga ah.
7. Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya Xeer gaar ah.
Dastuurku waxa uu awoodda ku takri-falka Hantida Guud uu siiyay dawladda, waxase uu ku xidhay Xeer. Xeerarkii lama hayo mana jiraan, haseyeeshee, waxa loo baahnaa in ay xukuumaddu ay soo curiso Mashruuc Sharci oo ku saabsan arrintaas oo ay Golayaashu [Wakiillada iyo Guurtidu] ansixiyaan markay ka dooddaan, taas oo Xeer lagu dhaqmo oo tafaftiran oo qeexaya habka loo marayo wareejinta mulkiyadda hantidaas, kaas oo cidina aanay ka hadasheen, lana isku eedeeyeen.
Sannadkii 2002 bishii June oo uu Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu Madaxweyne yahay, ayaa Marxuun Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye) oo ahaa Wasiirka Wershaduhu u soo qadimay Golaha Wasiirrada qoraal uu ku magcaabay “Privatization Policy for Somaliland.” Qoraalkaas oo uu ugu talagalay in laga curiyo Mashruuc Sharci oo loo gudbiyo Golaha Xeer-dejinta [Wakiillada iyo Guurtida].
Ma garanayo halkii uu ku dambeeyey, aniga oo ka baxay xukuumaddii sannad ka dib, waxanse hayaa nuqul qoraalkaas ah. Waxa jirta in weli loo baahan yahay sharcigaasi, si loo dhiirrigeliyo in ummaddu Sharci ku noolaato oo ku dhaqanto, taas oo mas’uuliyadda kowaad ay iska leedahay Dawladda.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by HooBariiska »

Who is he and whats his agenda
User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8463
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by LeJusticier »

HooBariiska wrote:Who is he and whats his agenda

Waa ex wasiir waa nin reer ceerigaabo ah esp. warsangeli. Wuxuu ka noolyahay dadkii dunta fiicnaa.....



read it first .....
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 37aad.

Post by Khalid Ali »

Siciid gees iyo boobe Yusuf maqaalaadooda dhadheer eeh aad moodid Soaps anigu ma akhriyo hurda ii qabata every week xalagad xusub qormaadi afar iyo sodanaad allow that man :D
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”