
Dhismaha Terminalkan cusub ayaa waxaa maal geliyay Dowladda Kuwait, iyadoo munaasabadii furitaanka ay kasoo qeybgaleen Madaxweynaha Somaliland, xubnaha Xukuumadda, Xildhibaano iyo mas’ uuliyiin ka socotay dowladda Kuwait.
Dhismaha garoonkaan oo horay u ahaa xarun milateri isla markaana diyaaradaha milaterigii Somalia xaruntooda aheyd ayaa waxaa hadda loo badalay garoon shicib, iyadoo dhaqaalaha ku baxay lagu sheegay 400418 {Afar milyan, afar boqol, Sideed iyo Toban Kun dollar}.Dowladda Kuwait ayaa 15 Milyan oo dollar oo ay ugu deeqday Somaliland waxay ugu talagashay in lagu hormariyo garoomada diyaaradeed, iyadoo mashruucaani uu yahay qeybtii koowaad ee fulista mashruucaasi.