Madaxtooyada Somalia Oo Hub Culus Lagu Garaacay
Muqdisho(Ramaas)Feb-26-2015-Hub culus ayaa maanta lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Somalia, kuwaasi oo aan la aqoonsan meesha laga soo riday iyo cidda soo riday toona. Ilaa hadda lama sheegin cid wax ku noqotay Hoobiyeyaasha.
Hoobiyeyaasha oo Abaaro labadii Duhurnimo lagu soo riday Madaxtooyada ayaa ilaa 4 hoobiye ku dhaceen gudaha Xarunta Madaxtooyada, kaasi oo ku dhacay meel aan ka dheerayn Wasaaradda Maaliyadda oo gudaha Madaxtooyada ku yaala islamarkaana ah meel la dhigto Baabuurta.
Ugu yaraan laba Hoobiye ayaa ku dhacay Safaaradda Jabuuti ee ku taala Meel aan ka dheerayn Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia iyo Tiyaatarka, kuwaasi oo aan wali la ogayn khasaaraha ka dhashay. Hoobiyeyaal kale ayaa ku dhacay meelo Madaxtooyada ka ag dhaw, waxaanay Goobjoogeyaal sheegeen in ilaa 10 Hoobiye la riday "Firidhka madaafiicda waxay burbur u geysteen muraayadaha gaadiidkii goobtaas la dhigtay, waxaan kale oo aan arkay ruux uu dhaawac fudud kasoo gaadhay firidhka," ayuu AFP u sheegay Maxamed Xasan Oo Goobta ku sugnaa.
“Ugu yaraan afar madfac ayaa kusoo dhacay goob gaadiidka la dhigto oo ku taalla gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku geeriyooday ruux ilaalo ahaa oo halkaas ku sugnaa,” ayuu Wakaaladda AFP u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Oo Saraakiisha Somalia ka tirsan.
Ilaa hadda ma jirto Cid sheegatay Weeraradan balse waxaa maanta Muqdisho ka dhacay Banaanbax ka dhan ah joojinta Xawaaladdaha lacagta ee Maraykanku joojiyay, kuwaasi oo ay soo abaabuleen Ururada Bulshada. Waxaa sidoo kale Madaxtooyada ka socday Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha wasiirada.
- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ma ... 2Spiv.dpuf
Villa Somalia under Heavy Shelling
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
- Methylamine
- SomaliNet Super
- Posts: 6362
- Joined: Sat Jan 01, 2011 7:22 pm
Re: Villa Somalia under Heavy Shelling
Those darn Idoors at it again
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 608 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 17 Replies
- 1580 Views
-
Last post by garowegal
-
- 41 Replies
- 2350 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 23 Replies
- 2567 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 15 Replies
- 1130 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by adanboy
-
- 12 Replies
- 2206 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 33 Replies
- 5407 Views
-
Last post by Somaliman%
-
- 0 Replies
- 322 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 2 Replies
- 1174 Views
-
Last post by DawladSade