Ciil Buu U Dhiman Gaadhay!!!
Posted: Fri Feb 27, 2015 6:10 pm
Tii maanta dhacday aan idiinka sheekeeyo:
Naf xamaraawiyada oo sanka ka xunbaynaysa ayaa maanta makhaayada soo gashay..
Xamaro: markuu sidaa dalaq usoo yidhi makhaayada ayuu na salaamay. inta yadii meesha fadhiday, ''Tolka waad salaaman tihiin''
Annagii: ''Wa calaykuma salaan''
Xamaro: Intaanu si fiicanba u dhagaysan salaantii aanu ka qaadnay ayaa wuxuu u jeestay xaggaa iyo tv-gii maqaaxida oo dananaya ka dibna intuu isagoo cadho ka muuqato nagu soo jeestay ayuu ku yidhi kee meesha lahaa, ''Niyaw naga badal janankan oo noo gee tv-gii umaddaa''
Kii meesha lahaa: ''Waar dadka ha iska dhex saarine soo fadhiiso waa la wada dhan yahee''
Xamaro: intuu xoogaa isa soo yara xamba-booray ayuu meel aniga agtayda ah soo fadhiistay...ka dibna muu aamusine su'aal ayuu iga bilaabay. ''Haye adna Somaliland maa tahay''
Aniga: ''Waar waanu nahay ee maxaaduga baahnayd?''
Xamaro: ''Arrey fiiri Somaliland aniga waxba maku haysti ee haddaa go'ayseen magaca yaga uun noo dhaafa, xee u adeegsataan magaca Soomaaliya iyo Muqdisho oo Somaliland u adeegsan waydeen?''
Aniga: ''Waar maxaad samayn kartaa Muqdisho ayaa baasaboorka iigu qoran, walgayna il ma saarin, magaca Soomaaliya ayaa sidoo kale baasaaboorka iigu qoran, waan ku maxaaf sadaa oo wax kasta magaciina ayaan kusoo goostaa, abaalna uma hayo oo markaan tayda bogto ayaan intaan calankayga xariirtaa ee tawxiidka leh hoosta kala soo baxo dhunkadaa, gurigaygana calankaas tawxiidka leh ayaa ii sudhan, illaa iyo intaynu dhinac uun u kala hadhaynaynana waan addeeg-sanayaa bal maxaad ka qaban kartaa?''
Xamaro: al intuu cadho is buuxiyay oo sida balloon-ka isu buufiyay indhuhuna kabo dhiiga u ekaadeen ayuu hadalkiina kasoo bixi waayay ayuu kursigii ka kacay isagoo aan hal jawaaba iisoo celin!
Anna intaan shaarubaha miiqday ayaan ku idhi mudalabkii ''Aar koob shaaha oo baraada oo kale ii keen'' tv-giina iska daawaday.